Daawo Sawirro Gaadhi La Yaab Leh Horena Aan Loogu Arag Caalamka Oo La Soo Saaray
January 6, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Shirkadda Letvision ee Sameeysa Gaadiidka ayaa soo saartay Gaari la yaab leh oo aan nuuce horey Caalamka loogu arag.
Ku dhowaan 30 sano kadib ayey sheegeen Masuuliyiinta Shirkadan inay ku guuleysteen soo saarista gaarigan, marne caadi marna isku bedelaya Robotka Bini’aadamka loo ekeysiiyey ee Filimada qaar laga daawado.
Shirkadan oo fadhigeedu yahay magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa sheegtay iney riyadeeda rumeysay maadaama ay ugu dambeyn sameysay gaarigii ay ku hamineysay mudada dheer.