Gudoomiyaha Murashixiinta U tartamaysa Golaha Wakiilada Oo Ka Hadlay Arimaha Dalka iyo Doorashada
January 8, 2017 - Written by Berbera Today
Hargaysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha Murashixiinta utartamaya golaha wakiilada Somaliland Aadan Jaamac Cabdilaahi ahna musharax ka sharaxan gobolka Togdheer oo shabakada Hadhwanaagnews ku booqdey xafiiskeeda Hargaysa ayaa ka hadlay marxalada uu dalku marayo iyo abaaraha kajira qaar kamida gobolada dalka.
Gudoomiye Aadan ayaa ugu horayn baaq udiray gudida doorashooyinka Somaliland iyo sidoo kale xukuumada, waxaanu hadalkiisii kamid ahaa “Waxaan maanta jecelahay inaan baaq udiro meelo kala duwan, waxaanan ugu horaysiinayaa gudida doorashooyinka oo maalmahan aan arkaynay iyagoo maraya gobolada dalka iyagoo le waxaa laqaybinayaa kaadhadhkii waxaan leeyahay marka hore gudida ilaahay ha idinku asturo xilka la idiin dhiibay, xaalada dalku kujiraana idinkuna waad aragtaan anaguna waanu aragnaa, dadkii diiwaan gelinta ka shaqeeyayna waanu nahay, waxaanan arkaynaa inaan xiligan dadkii aanu ka diiwaan gelinay gobolada dalka, gaar ahaana gobolada Bariga dadkii ayna joogin oo abaarta awgeed badhna xagaa maamul goboleedka Puntland galeen intii kala ay gashay Itoobiya, sidaa daraadeed xiligan maaha in laqaybiyo kaadhadh oo dadkii looqaybin lahaaba majoogaan, haddii la qaybiyana dayac ayaa ku imanaya kaadhadhkaasi markaa waxaanu leenahay masuuliyadaa ilaaliya , xiligana maaha xili munaasiba oo wax laqaybiyo dalkuna waxa uu kuijiraa xaalad abaareed oo xun” ayuu yidhi gudoomiye Aadan.