berberatoday.com
Khilaaf Maamul Oo Ka Dhex Qarxay Maareyaha Dekeda Berbera Iyo Kuxigeenkiisa Oo Shaqadii Laga Joojiyay Iyo Maareye Kuxigeen Ku Meelgaadha Oo Maamulku Magacaabay
January 12, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Maalmihii u Danbeeyay Ayaa Waxa Soo Baxaya Muran Xaga Maamulka ah oo u Dhexeeyay Maareeyaha Dekada Berbera Aqoonyahan Axmed Yuusuf Dirir iyo Maareeye Ku Xigeenkiisa Cabdi Cabdilaahi Xasan Mataan, Wararka Laga Hellayo Illo Xog Ogaala Ayaana Tibaaxay In Xiligan Mareeye Ku Xigeenkii Dekadu Ku Maqanyahay Ashkato Dhanka Madaxtooyada Somaliland Ah,
Khilaafkana Ayaa Bishii Ugu Horaysay,ba Debada Usoo Baxay Markii Aya Shaqada wada Bilaabeen Labada Mareeye,Taasi oo Ku Beegnayd Xilli uu Mareeye Axmed Yuusuf u Ambabaxay Safar Dibada ah, Xiligasi Waxaa Debada Usoo baxday Sida Aanu warka Ku Hellnay Ku takrifal balaadhan oo Lacageed oo Maareeye Ku Xigeenku Si Qaldan Uga Uga Saaray Qasnada Dekada, Xata Mareeye Ku Xigeenku Xiligaa Lacag $80,000 oo Doolara Ayaa Sida wararka Lagu Hellay Uu Ku Iibsaday baabuur Lanckuruser oo Uu Illaa Iminka Wato Lagumana dhajin nambarkii GT Ahaa ee dawlada,

Murankan Ayaa waqtigaa Waxa Dhexgalay oo Dhameeyay Rag mudakar ah oo Reer Berbera Ah,
Hadaba wararka u Danbeeyay ee sadexdii Casho ee u Danbayasay Debada maraya Ayaa Iftiimyayay in Markale Uusoo Laba kacleeyay Murankii Labada Mareeye Ee Dekada Berbera Waxaana Wararka Qaarkood Sheeegayaan in uu ISCASILAY Mareeye Ku Xigeenkii Dekada Berbera Cabdi Cabdilaahi Laakiin Mar aanu Saaka Xilli Hore ku waraysanay Telofanka HWN Wuuxuu Sheegay In Aanu Iscasilin Ee Uu hawlo Shaqo u Joogo Hargaysa,
Wararka kale Ee Laga Hellayo Dekada berbera Ayaa Sheegaya in Si Kumeel Gaadha Shaqadii Maareeye Ku Xigeenka Dekada Berbera uu Xiligan Usii Hayo Sarkaal sare oo ka Tirsan Dekada Berbera oo Mgaciisu Yahay Siciid Aadan Diiriye,
Warar kalo oo aan soo shaacbixin ayaa sheegaya in Maareye Kuxigenka Hada Cabdi Cabdillahi Xasan Mataan xilka laga qaadi doono maadama oo uu la janqaadi waayay Mamulkii Dekeda Berbera dhawr jeer oo Maamulka Lagag tagyna uu ku takru falay maaliyadii khasnada dekeda ku keydsanayd.waxaana la sheegaya dhawr masuul oo beeshiisa kasoo jeeda oo loo magacaabayo xilka uu banayn doono waana wararka laga soo sheegayo Madaxtooyada.
Mar aan Saaka Isku daynay In aanu Wax ka waydiino Arinkana Maareeye Axmed Yuusuf Dirir Waynoo Suura Gali wayday, Xafiiskana waanu ka waynay Telofankiisuna Mashquul Ayuu Kabixi Waayay
Wariye Yasin Jaamac Cali
Berbera/Somaliland
COMMENTS
|