Gabadh Markay Dhalatay La Xaday Oo La Helay 18 Sano Ka Dib
January 14, 2017 - Written by Berbera Today
Florida(Berberatoday.com)-Gabadh la xaday markii ay ku dhalatay isbitaal ku yaalla gobolka Florida ee dalka Maraykanka ayaa la helay iyada oo nool 18 sano ka dib, sida ay sheegeen booliiska gobolka South Carolina.

Kamiyah Mobley, oo la xaday bishii July ee sanadkii 1998 ayaa la helay ka dib markii la helay tilmaamo wax ku ool ah sida ay booliisku sheegeen.