SOMALILAND: Boqolka Doollar Oo Qarka U Saaran Hal Milyan Oo Shilin, Qiimaha Maceeshadda Oo La Socda, Baanka Dhexe Iyo Xukuumadda Oo Daawanaya
January 15, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa Maalinba Maalinba ka dambaysay sare u sii kacaya Qiimaha Sarrifka Lacagta Qalaad ee Doollarka, kaasi oo saamayn weyn ku leh Qiimaha Maceeshadda.
Magaalooyinka Somaliland oo Bilihii u dambeeyay Boqolka Doollar lagu Sarrifayey inta u dhaxeysa 750 Kun oo Shilinka Somaliland ah iyo 780 kun, ayaa Toddobaadkii u dambeeyay Cirka isku sii shareeray, waxaana Shalay oo u dambeysay Boqolka Dollar lagugu beddelayey 810 kun oo Shilinka Somaliland ah, halka Boqolka Doollar lagu kala iibsanayey 835 kun oo Shilinka Somaliland.
Kor u kaca qiimaha Sarrifka Lacagta Dollarka oo illaa hadda aanay ka hadal Laamaha Dawladda Somaliland u qaabilsani, ayaa wuxuu si toos ah saamayn ugu leeyahay qiimaha maceeshadda Quutal-daruuriga ah, maaddaama oo Dadka Ganacsatada iibiya Raashinku ay iibka Raashinka ku qiimeeyaan Lacagta Doollarka, taasi oo ka dhigan ‘Haddii Qofku uu 75 kun oo Shilin ku iibsan jiray Haaf bariis ah inuu imika u baahan yahay Lacag intaasi ka badan’ maaddaama oo Qiimaha Raashinku la socdo Sarrifka doollarka.