Shirkadda Nokia Oo Suuqa Ku Soo Noqotay Iyo Talefannadeeda Casriga Ah Ee Ugu Dambeeyey
January 17, 2017 - Written by Berbera Today
Helsinki(Berberatoday.com)- Shirkadda HMD Global oo dalka Finland laga leeyahay ayaa Axaddii Toddobaadkan ku dhawaaqday in ay xaq u leedahay in ay soo saarto talefanno leh calaamadda caalamiga ah ee shirkadda Nokia, iyada oo ku bilaabi doonta talefanno casri ah oo suuqyada dalka China loogu talogalay qiimahooduna yahay 246 Doolar oo keliya.
Talefanka cusub oo noqonaya talefankii casri ah ee ugu horreeyey ee sita magaca Nokia tan iyo sannadkii 2014kii oo ahayd markii shirkaddani ay go’aansatay in ay qaybteeda talefannada soo saari jirtay ee Nokia ka iibiso shirkadda weyn ee Microsoft.