Madaxweyne Silaanyo Oo Guddoomiye Cusub U Magacaabay Gobolka Maroodi-Jeex
January 19, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex u magacaabay masuul cusub oo la yidhaa Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale).
Sidaana waxa lagu cadeeyey war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay af-hayeenka Madaxtooyada, waxaanu u dhignaa:-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-4495/012017 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex.