Dalalka ku mideysan Ururka EAC ee Gobolka Bariga Afrika oo sameysay Baasaboor Gaar u ah
March 12, 2016 - Written by Berbera Today
Ururka Bulshada Bariga Afrika ee EAC, ayaa sameystay Baasaboor cusub oo Mideynaya qaar ka mid ah Dalalka Bariga Afrika, kuwaas oo aysan ku jirin Soomaaliya.

Kulan ay toddobaadkii hore uu ku yeeshay ku Ururka EAC Magaalada Arusha ee Tanzania ayay xoogga ku saareen laba qodob oo ay u arkeen inay muhiin yihiin; kuwaasoo kala ah in Dalka Koonfurta Suudaan si buuxdo loo siiyo Xubinnimada Ururka iyo in ururka uu yeesho baasaboor mid ah oo la isaga kala gooshi kara Waddamada Bariga Afrika oo Somalia aysan ku jirin.