Daawo Donald Trump Oo Gaadhay Goobta Ugu Horaysa Ee Caleemo Saarka Madaxweynayaasha Maraykanku Ka Bilaabanto
January 21, 2017 - Written by Berbera Today
Washington(Berberatoday.com)-Madaxweynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump iyo xaaskiisa Melania ayaa gaadhay, xabaalaha qaranka
Madaxweyne Lincoln Memorial, halkaas oo ah goobta ugu horaysa ee xafladaha caleemo saarka Madaxweynayaasha Maraykanku ka bilaabanto.
Madaxweynaha Iyo Xaaskiisa oo tan iyo markii ay ka soo dageen Madaarka Washington, si wayn loo sugayay ammaankooda, ayaa markii ay salaam sharafeed iyo ubax dhigeen xabaalaha ciidamada iyo halyeeyada ugu badan Maraykanku ku aasan yihiin, lagu maamuusay, heesta ka dhig quwad wayn Amerika.