Hargeysa(Berberatoday.com)-Hadalo hanjabaad ah oo uu wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi dabayaaqadii sanadkii hore ugu hanjabay saxaafadda madaxa-banaan ee Somaliland ayaa gaadhay meel dheer.
Xoghayaha guud ee xilkiisu dhamaaday ee Qaramada Midoobey Mr Banki Moon ayaa warbixin uu golaha amaanka Qaramada Midoobey u gudbiyey oo ku taariikhsan 9 january 2017-ka wuxuu qaybo kamid ah kaga hadlay hanjabaadaas wasiirka madaxtooyada Somaliland ugu hanjabay saxaafadda madaxa-banaan.
“8 Semtemper wasiir madaxtooyada Somaliland waxuu saxaafadda madaxa-banaan ee Somaliland ku eedeeyey inay qasayso amaanka Somaliland,isagoo ku calaamadiyey inay yihiin maleeshiyo hubaysan oo u baahan in hub ka dhigis lagu sameeyo”sidaas ayuu yidhi Mr.Banki Moon.
Waxaana uu intaasi raaciyey Mr Banki Moon “ururada saxaafadda iyo hay’addaha xuquuqal iinsaanka ayaa wasiirka ugu baaqay inuu joojiyo hanjabaadaha noocan ah”.
Hadalkaasi wasiirka madaxtooyada Somaliland oo wakhtigaasi saxaafadda Somaliland aad uga qaylisay ayaa u muuqda inuu noqday hadal fogaaday oo la gaadhsiiyay ilaa golaha amaanka,waxaana muuqanaysa Isfahan la,aanta udhaxeysa Saxaafadda madaxa-banaan ee Somaliland iyo xukuumadda madaxwayne Siilaanyo inuu mararka qaar gaadhi karo heer uu dhaawac u gaysan karo sumacadda Somaliland.
Geesta kale waxuu hadalkani muujinayaa sida ay miisaan u yeelan karaan hadalada ay guud ahaan siyaasiyiinta Somaliland muxaafad iyo mucaaradba si fudud u yidhaahdaan.