Xulka Kubada Cagta Dalka Gabon Oo Marti Galinayay Koobka Qaramada Afrika Oo Ka Hadhay Koobkaas
January 24, 2017 - Written by Berbera Today
Gabon(Berberatoday.com)-Kulanka xalay dhexmaray Gabon iyo Kaameruun ayaa ahaa mid xiisi badan, iyadoo dalka tartanka martigelinayay uu ku rajo weynaa in uu u gudbo rubux dhammaadka.
Balse in kastoo dadaal dheeri ah ay sameeyeen ciyaartooyda Gabon, gaar ahaan laacibka Pierre-Emerick Aubameyang ayaa haddana waxaa u suurageli weyday in ay wax gool ah dhaliyaan.
Aubameyang oo u dheela kooxda Borussia Dortmund ee Jarmalka ayaa waxa uu ka mid yahay weeraryahannada xilligan ugu wanaagsan qaaradda Afrika.