Guddoomiyihii Sarrifleyaasha Somaliland Oo Saldhiga Dhexe Ee Hargeysa Ku Geeriyooday Iyo Sababta
January 26, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyihii Sariflayaasha Somaliland Cabdilaahi Cali Barre oo maalintii shalay ahayd ay Xukumada Somaliland Saldhiga u taxaabtey ayaa ku dhex geeriyoodey saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa Saaka Subixii hore. Wararka ayaa tibaaxaya in uu marxuumku Geeriyoodey Xili uu ku dhex qureecanaayay Qolka uu kaga xidhan yahay Saldhiga Dhexe ee Hargeysa.
Sida warar rasmi ah oo soo Gaadhaya ay noo xaqiijiyeen Geerida Gudoomiyaha sariflayaasha Somaliland oo ahayd mid kadis ah ayaa waxa lagu sababeynayaa in Marxuumku la noolaa xanuunka Macaanka taasi ay sababtey markii la xidhay in uu Xanuunkii uu la noolaa ee Macaanku uu ku kaco.