Somaliland Oo Doonaysa Inay Xubin Ka Noqoto Ururka Midowga Afrika
January 29, 2017 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Dawladda Somaliland, ayaa Ururka Midowga Afrika u gudbisay Codsi ah in Somaliland Xubin ka noqoto Ururka Midowga Afrika.
Sidaana waxa xaqiijiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo isaga iyo Wefti uu Hoggaaminayaa ay Maalmihii u dambeeyay safar ku joogay Magaalada Addis-ababa ee Caasimadda Itoobiya, sidoo kalena ahna Xarunta Ururka Midowga Afrika (AU).
Dr. Sacad Cali Shire oo Wareysi siiyey wakaaladda Wararka All East Africa ayaa yidhi, “Haddii loo baahdo waxaanu u gudbin doonaa codsi cusub.”