Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya oo Waraaqaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirka Cusub Ee Somaliland
January 29, 2017 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu ayaa waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Cusub ee Somaliland dhowaan u magacowday dalkaasi Amb. Cali Salaan Jirde (Cali-Shoombe)
Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya Dr. Gebeyehu oo Shalay ku qaabilay xafiiskiisa safiirka Cusub ee Somaliland Amb. Cali Shoombe ayuu kaga guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga Safiirnimo.
Kulanka oo goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa lagaga wada hadlay xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya labada wadan, iyo sidii loo horumarin lahaa, siduu mareegta Somalilandspan u xaqiijiyey Mr. Ayaanle Salaad Diiriye, safiir-xigeenka safaaradda Somaliland ee Itoobiya.
Warka Safiirka
Safiirka Cusub ee Itoobiya u fadhiya dalka Somaliland oo dhowaan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilanyo u magacaabay xilkaa ayaa noqonaya safiirkii ugu horeeyey Somaliland ee Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya ka guddoomo waraaqahiisa aqoonsiga.