Sawirro Gilgilay Quluubta Dadka Dunida Intooda Diir-naxda !
January 29, 2017 - Written by Berbera Today
Sawirka koowaad
Joe O’Donnell waxa uu sawirkan qaaday isaga oo ku sugan Nagasaki, Sarkaalkan Millatariga ah ayaa loo diray Japan si uu xog ururin ugu sameeyo baaxadda ay leegtahay dhibaatadii uu gaystay qumbuladihii lagu dhuftay Japan.
Sarkaalkan ayaa joogay Japan toddoba bilood oo ka bilaab mayey September 1945-kii.
Wuxuu soo maray galbeedka Japan oo dadka dhintay, dadka dhaawaca ah, kuwa ku agoomoobay iyo dadka guri la’aantu haysataa tiro beeshay. Sawirro badan ayuu kasoo qaaday waxaana ugu saamayn badnaa sawirka labadan carruur ah ee mid dhabarka lagu sido.