berberatoday.com
Wasiir CADDAANI Oo Hirgeliyey Qorshe Loogu Xaq-soorayo Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Somaliland
January 30, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Warfaafinta & Wacyi-gelinta Somaliland Cismaan Cabdillahi Saxardiid (Caddaani), ayaa hirgeliyey qorshe dib-u-habaynta iyo u xaqsooridda shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, qorshahaasi oo u suurto-geli waayay Wasiirradii hore u soo maray Wasaaraddaasi.

Warka CaddaaniKulan lagu qabtay hoolka Wasaaradda Warfaafinta, kana soo qeybgaleen dhammaan hawl-wadeenada qeybaha kala duwan ee wasaaradda ayuu Wasiirka warfaafintu kaga dhawaaqay Shalay dib-u-habayn uu wadday  muddo dhowr bilood ah, taasi oo  ujeedadeedu ahayd sidii loo simi lahaa gunnada ay qaataan shaqaalaha waaxyaha kala duwan iyo agaasime-waaxeedyada Wasaaradda.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Axmed Abokor Maxamed oo ugu horeyn ujeedada kulankii shalay ka hadlay ayaa yidhi, “Ujeeddada kulanku waa in faahfaahin innaga siiyo Wasiirka Wasaaradu arrinkii dib-u-habaynta nidaamka gunnada iyo mushaharka shaqaalaha ee muddada uu ku howlanaa. Dhammaan shaqaalaha wasaaradda waxaan ugu baaqayaa inaan sannadka cusub ee bilaabmay la jaanqaado isbeddel aynu ku samayno waxqabadkeena. Waxaan u ballanqaadayaa shaqaalaha in dhamaan madaxda wasaaraddu kala qeyb-qaadatay Wasiirka hawshan, kuna barbar taagan nahay fulinteeda.”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Wacyigelinta Mr. Cismaan Cabdillahi Saxardiid (Caddaani) oo kulankaa hadal ka jeediyey ayaa ku bilaabay, “Wax-soo-saarka wasaaraddu waxay ku xidhan tahay barnaamijyada aynu soo saarno, hadday TV-ga Qaranka tahay iyo haddii ay idaacadda tahay.”

Wasiirka warfaafinta ayaa u sheegay shaqaalahii kulankaa goobjooga ka ahaa inay kala duwan yihiin tayada barnaamijyada TV-ga iyo Idaacaddu, isagoo ugu maahmaahay “nimaad wax-ku-qarsan lahayd-waxba lagama qarsado.” axaanu yidhi,

“Sow shaqaalahii wasaaradda ma tihidiin, oo magacaagii iyo sharaftaadii wasaaradda ma saarna, waxaan idiin sheegayaa inaan Idaacadda iyo TV-gu isku barnaamijyo ahayn, oo way kala sareeyaan, Idaacadda ayaa sareysa, TV-guna wuu ka hooseeyaa.”

Wasiirka warfaafinta Mr. Cadaani ayaa ka warramay caqabadihii uu la kulmay markuu xilka wasaaradra qabtay, taasoo saamayn ku yeelatay wax-soo-saarkii barnaamijyada Tv-ga, Idaacadda, Wakaaladda wararka iyo wargeyska Dawan, waxaanu yidhi, “Intaan hayey xilka wasaaradda wixii ugu badnaa aan la kulmay waxay ahayd cabashada shaqaalaha, kow waxay cabasho badani ka jirtay gunnooyinka ay qaataan shaqaalaha wasaaradda oon isku dheelitirnayn,oo dad badan oo isku derajo ah ay qaadan jireen gunnooyin aan isku mid ahayn, cabashadaasina in badan soo jiitamaysay, oo soo noqnoqonaysay, annigana iga horeysay. Waxaa lagama maarmaan noqotay inaan samayno dib-u-habayn balaadhan oo xagga gunnooyinka iyo mushaharooyinka, ee guud ahaan shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta, marka laga bilaabo Agaasime-waaxeedyada, ku-xigeenada, Agaasime-qeybeedyada, maamuleyaasha iyo dhammaan shaqaalaha wasaaradda oo dhan, oo dad gunnooyin badan qaadan jiray laga jaray. Qof kastoo derajada A ah balse aan xil hayn oo qaadan jiray milyan, waxuu qaadan doonaa milyan iyo siddeed boqol, derejada B oo qaadan jirtay siddeed boqol, waxay qaadan doonaan milyan iyo shan boqol, derejada C oo qaadan jirtay lix boqol imika waxay qaadan doonaan milyan iyo boqol, derejada D oo qaadan jirtay saddex boqol iyo afar iyo todobaatan, imika waxuu qaadan doonaa todoba boqol iyo kow iyo toban shillin Somaliland.”

Dhinaca kale, qorshahan habaynta mushaharka iyo gunnooyinka ee shalay uu ku guulaystay Wasiirka Warfaafinta Mr. Cadaani, waxa hore ugu guul-dareystay  wasiiradii hore u soo maray Wasaaradda Warfaafinta.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews