Inantii Bariga Afrika Oo Weyday Inay Noqoto Diblomaasiga Qaaradda Afrika Ugu Sareeya
January 31, 2017 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Chad Moussa Faki ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha Midowga Afrika. Wuxuu badeli doonaa Nkosazana Dlamini-Zuma oo u dhalatay Koonfur Afrika oo wakhtigeedu dhamaaday.

Mr Faki ayaa kursigan kaga adkaaday wasiirkii arrimaha dibadda Kenya Aamina Maxamed, oo loolan adag la gashay. Wareegii ugu dambeeyay ayuu siyaasiga iyo diblomasaiga reer Chad, wuxuu helay 38 cod oo uu kaga adkaaday Aamina Maxamed. Mr. Faki ayaa hore raysalwasaare uga noqday dalka Chad, waxaana lagu tilmaamaa siyaasi iyo diblomaasi aragti dheer oo ay Afrikaanimadu ku weyntahay.