berberatoday.com
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Berbera Uyimi Xalinta Khilaafkii Ka Taagan Masaajidka Sheekh-Isaxaaq Oo In Mudo Ah Xidhan
February 1, 2017 - Written by Berbera Today

Berbera(HWN)-Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir(faratoon),ayaa Magaalada Berbera ee Xarunta Maamulka Gobolka Saaxil manta usoo gaadhey arimo la xidhiidha xalinta xiisadii ka dhalatey khilaafkii Masaajidka Sheekh Isaxaaq ee Magaalada Berbera ee dhawaan laga faramaroojiyay Culimada Qaadiriyada ee Tima Weynta sidoo kale la damacsan yahay in Masjidkaas oo gacanta loo galiyo koox kale oo kamida culimada Tabliiqiyiinta oo ay hogaaminayaan xubno sheeganaya inay Masjhidka qoyskoodu lahaayeen asaaskiisii hore balse oo dhawaan dib udhis iyo casriyay ku sameeyay Maareyihii hore ee Dekeda Berbera Eng, Cali Xoorxor.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir(faratoon),ayaa socdaalkiisani Magaalada Berbera kusoo beegay wakhti ay meel xasaasi ah marayo khilaafka ka dhashey Masaajidkani oo xiisadiisu saamayn ku yeelatey culimada dalka guud ahaan maadaama Somaliland in mudo ah ka bad qabtey khilaaf dhinaca Culimada iyo madbadaha ay kala aaminsan yihiin kaas oo mudooyinkii hore marar badan laga dareemi jirey gudaha Somaliland,iyadoo

shacbiga Reer Berbera intooda badani u arkayeen in khilaafkan xal rasmi ah laga gaadho talaabo Xukuumadu asiibtey wakhti xaadirkan haseyeeshee, ay in badan ka dhaga adeygtey iyadoo Wasaarada Diinta Awqaaftana lagu tirinayo in ay la safatey dhinac kamid ah dhinacyada Culimada khilaafka u dhexeeyo.

Socdaalka Wasiirka Arimaha Gudaha ee ku aadan xalinta khilaafka ka dhashey Masaajidka Sheekh Isaxaaq ee Magaalada Berbera ayaa,siweyn loogu dheg taagayaa halka uu kusoo khatimo xalinta xiisadaasi maadaama rabshadiisu kusoo noqnoqotey shacbiga Reer Berbera.

Sikasta ha ahaatee Masjidkan ayaa waxa gacanta ku hayn jiray Culimada Tima weynta labataankii sanadood ee udanbeeyay,

 

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews