Maxkamada ICJ Oo Maanta Go’aan Kasoo Saaraysa Dacwada Bada Somaliya Ee Udhaxaysa Kenya Iyo Somaliya
February 2, 2017 - Written by Berbera Today
Hugue(Berberatoday.com)-Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa Maanta lagu Wadaa in ay ku dhawaaqdo go’aanka ay ka gaartay diidmada hordhaca ah ee Kenya ee ku saabsan dacwadda Soomaaliya ay ku dalbeyso in la cayimo soohdinta badeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Sida Soomaaliya ay dooneyso, haddii ay Maxkamaddu go’aan ku gaarto in ay dacwaddan hadda gasho waxay noqon doontaa in Kenya la siiyo wakhti ay ku diyaariso waxa ay isaga daafaceyso kiiska ay Soomaaliya ku oogtay Kenya.