Xulka Dalka Masar Oo Gaadhay Fiinaalka Koobka Qaramada Afrika
February 2, 2017 - Written by Berbera Today
Gabon(Berberatoday.com)-Xulka Masar ayaa noqday kii ugu horreeyay ee gaara ciyaarta kama dambeysta ah ee Koobka Qaramada Afrika.

Waxa uu rigoorayaal uga badiyay xulka Burkina Faso, ka dib markii ay isla dhaafi waayeen barbaro 1-1 ah.
Goolhaye Essam El Hadary ayaa gool ku laad ka qabtay Bertrand Traore, sidaasi ayayna guusha ku raacday Masar.