Boorama: Laba Carruur Ah Oo Ku Dhintay Gurigooda Oo Uu Gaadhi Jiidhay Iyagoo Hurda Iyo Tirada Dad Kale Ee Shilkaa Ku Dhaawacmay
February 2, 2017 - Written by Berbera Today
Borama(Berberatoday.com)-Shil sababay Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, ayaa ka dhacay Magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal ee Somaliland.
Gaadhi yar oo Taxi ah, ayaa galay Guri ku yaalla Magaalada Boorama oo ay Xilligaas oo habeen ahayd ay ku sugnaayeen Qoyskii ku noolaa, waxaana halkaa ku dhintay Laba Carruur oo Da’doodu kala ahayd 8 Jir iyo 9 Jir, waxaana ku dhaawacmay laba Hablood oo Carruurta dhimatay ay Walaalo ahaayeen oo xilliga uu gaadhigu Gurigooda galay wax ku akhrisanayey Qolka Gaadhigu galay ee Carruurtuna ku dhimatay.