Qaramada Midoobay Ballan-qaadday Inay Saddex Boqol Oo Milyan Oo Doollar Kaga Qayb-qaadanayso Gurmadka Abaaraha Somaliland
February 4, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Qaramada Midoobay, ayaa shaacisay inay Lacag dhan saddex Milyan oo Doollarka Maraykanka ah wax kaga qabanayso oo ay kaga qayb-qaadanayso 3-da bilood ee soo socda Gurmadka badbaadinta Dadka Abaaruhu ku saameeyeen Somaliland.
Wefti uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Qaramada Midoobay ahna isu-duwaha Arrimha Gargaarka Bini’aadanimada Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa Peter de Clercq, ayaa Salaasadii shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa, isla markaana kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Xubno Xukuumaddiisa ka tirsan oo ay ka wadahadleen heerka Abaarta Somaliland ka jirta iyo sida loogu baahan yahay Gargaar caalami ah, kaas oo ay ballan-qaadeen Weftigu.