Ujeeddada Wefti Jamhuuradda Czech Ka Socda Oo Madaxweyne Siilaanyo Kulan Kula Yeeshay Hargeysa
February 4, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmaed Maxamuud (Siilaanyo), ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Masuuliyiin Xukuumaddiisa ka tirsan, ayaa qaabbilay, isla markaana maanta kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa Wefti ka socday Jamhuuriyadda Czech.
Weftigan oo Hargeysa Maanta yimi, isla markaana isugu jira Ganacsato, Cilmi-baadhayaal iyo Masuuliyiin Waxbarasho, oo ay la socdeen Xubno Somaliland u dhashay, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin Booqashadoodan Somaliland, isla marrkaana arrimaha ay Somaliland u yimaaddeen Cilmi-baadhis ay samayn doonaan ka mid tahay, abuuritaanka xidhiidh Ganacsi, mid waxbarasho iyo waxyaabo la mid ahba ay u socdaan.