Ciidamada Nabad-gelyada Wadooyinka Somaliland Oo Go’aamo Adag Ka Soo Saaray Dareewalada Bilaa Liisanka Ah + Talaabooyin Ay Ka Qaadi Doonaan Oo La Shaaciyey
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinka Somaliland, ayaa bilaabay dedaallo ay wax kaga qabanayaan dhibaatada Shilalka Gaadiidka oo ku soo badanaya Dalka, waxayna Mabnuuceen in Qof aan sidan ama aan lahayn Liisan uu Gaadhi kexeeyo.
Taliyaha Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinka, ahna Afhayeenka Guud ee Ciidammada Booliiska Somaliland Faysal Xiis Cilmi oo Shalay la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in Qofka liisan la’aan kaxeeya Gaadhi uu yahay dambiile isla-markaana Sharciga la hor-geynayo si loo Xukumo.
Taliyaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Ciidanka Nabad-galyada Waddooyinku aad buu u shaqeynayaa, waxayna qabanayaan wixii Sharcigu farayey oo ah inay eegaan Liisanka Wadayaasha Baabuurka, Buugga gaadhiga. Liisan La’aantu waa Dambi siduu qabo Qodobka 57 ee Xeerka Nabadgalyada Waddooyinku, weliba Ciqaab buu mudanayaa.”