Baashe Cawil (Morgan) ayaa tuurta ku sita saldhiga oo gowracaya gobanimada Somaliland by Abdi Mustafe
February 6, 2017 - Written by Berbera Today
Waxa xaqiiqa oo cid waliba ogtay in heshiiska dekeda Berbera iyo Saldhiga madaarka labadaba laga soo saxeexay Hassan Shekh iyo Xamar oo aanay sinaba suurta gal u ahayn in dowlada emaaraatku ay Somaliland oo keliya heshiis la gasho kol hadaan icttiraaf la haynin. Masiibadaa waxa wata oo ka masu’ula wiilka yar ee Siilaanyo sodoga u yahay ee MORGAN oo dana qoys ku warejiyey hantidii qaranka ee Dekeda iminkana u soo dhigtay saldhiga. Hadii saldhigaa la bixiyo waxay noqon naysaa in Somaliland iska ilowdo ictiraaf iyo gobanimo iyo gooni isutaag ba. Ku dheeraan maayo ee waxay u taalaa shicibka reer Somaliland in ay is hortaagaan mashruucaa inanka yari wato. Hadii shicibku ka dagaalami waayo labada gole ayaa lacag loo qeybin inta Kulmiye ka soo jeeda oo waa la hirgelin. Xisbiga Waddani waxaan ku hambalyeynayaa mowqifka cad ee ay iska taageen saldhiga ee ah in aan la wareejin.
by Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com