Cali Khaliif Galaydh Oo Ku Waabariistay Hargeysa, Kadibna Uga Dhoofay Dalka Jabuuti
February 6, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Hoggaamiyaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa saaka subaxnimadii hore ku waabariistay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka qorshaynta iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda iyo dhaqanka Faysal Aw Jaamac Xirsi (Faysal Xawte), badhasaabka Maroodi-jeex Mr. Buraale iyo Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleeban Ramaax.
Cali Khaliif Galaydh iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa saaka cagaha soo dhigay Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, iyaga oo xalay ka soo guureeyay magaalada Buuhoodle ee xarunta u ah maamulkiisa Khaatumo, waxaanu soo dhawayn diiran kala kulmay masuuliyiinta iyo madaxda xukuumadda Somaliland. Sidoo kale waxa iyaguna ku booqday Hudheel Ambasador oo ay isaga iyo wefigiisu ka quraacaneyeen Madaxda xisbiga WADDANI oo uu horkacayay Cabdiraxmaan Cirro iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID.