Shirkada DP World Oo Ka Baxday Qodobo Mihiim Ah Oo Kamid Ahaa Heshiiskii Ay Dekeda Berbera Kula Wareegayeen Iyo Xukumada Somaliland………
February 7, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Warar ay heleen Warbaahinta Madaxa banaan ayaa daboolka ka qaaday in Shirkadda DP-WORLD ka baxday qaybo kamid ah heshiiskii Somaliland la gashay ee Golaha Wakiiladu hore u ansixiyey, sidaana Xukuumadda Somaliland dhinaceeda ku aqbashay heshiiskaa lagaga baxay.
Waxa kaloo, wararku intaa ku dareen isbedelka ku yimi heshiikii DP-WORLD la gashay Somaliland ee ku saabsanaa maamulka iyo gacan-ku-haynta Dekedda Berbera, waxa ka mid ah in shirkadda DP-WORLD ka baxday dhismihii 400 Mitir ee lagu balaadhinayey dhismaha Dekedda Berbera, iyo qoddobka labaad oo ah in Maamulka Somaliland dawladda Imaaraadka Carabta u oggolaadaan saldhiga Milateri ee ay ka doonayaan Madaarka Berbera.