berberatoday.com
Hambalyo Kusocota Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Franceka Oo Xil Cusub Loo Magacaabay
February 7, 2017 - Written by Berbera Today
Xisbiga UCID laantiisa dalka France. waxa uu guud ahaan hambalyo u dirayaa. MUDANE,Maxamed Axmed muse oo ah gudoomiyaha xisbiga UCID EE DALKA France. XILKA cusub ee loo soo magacaabay ee ah xoghayaha arimaha bulshada SOMALILAND ee xisbiga UCID. Marka u horaysa waxaanu si Wada jir ah ugu hambalyaynayaa xilkaa loogu dhiibay Bulshada ee loo gartay in uu ku haboonyahay. Waxaanu marka labaad ugu ducaynaynaa in ILLAHAY subxaana wa tacaalaaye u fududeeyo gudashadiisa iyo garashadiisaba. Ugu dambayn waxaanu hambalyo IYO duco halkan shabakada BERBERATODAY u soo marinaynaa guud ahaan massuuliyiinta cusub IYO kuwa isku shaandhaynta lagu sameeyayba. Waxaan ILLAHAY uga rajaynaynaa in ILLAHAY ku asturo gudashada xilkaa cusub ee qaranka loogu dhiibay. Waxaannu ugu baaqaynaa in aanay fududaysan oo aanay sahalsan masuuliyada XILKA ay ummada u hayaan. Wadanku Waxa uu ku jiraa xaalad siyaasadeed oo cakiran, Waxa kale oo uu dalku ku jiraa xaalad dhaqalaale xumo oo baahsan, bulshaduna ay marayso xili ay garanwaayaan xuquudii muwaadinimo ee ay dalka ku lahaayeen. Manfacii IYO midhihii ay xaqa u lahaayeena looga loogay dad Aan DALKA u dhalan dalkana loo rahmay DALAL SHISHEEYE. SIDAA daraadeed Waxa Inoo taala in aynu garano cadawga SOMALILAND ee dibada inagaga imanaya IYO cadawga SOMALILAND ee gudaha jooga. Gaar ahaan xidhan shaadhka siyaasiga iyo muwaadinnimada ee Aan koob shaaha u caanaynayn. Waxay somalidu ku maahmaahdaa hadal waayeel waa guud mar. WAXA la gaadhay xiligii aynu indha QUDHAANJADA isku eegi lahayn. Waxaan ku soo af meeraynaa qoraalkayga SOMALILAND waa SOMALILAND. DALKA IYO DANAHIISANA UCIDBAA U CID AH.
WABILAAHI TAWFIIQ. 07/2/2017

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews