Ujeeddada Wefti Ka Socda Somaliland Oo Ugu Baxeen Baxeen Dalalka Uganda, Tanzania, Jabuuti Iyo Kenya
February 10, 2017 - Written by Berbera Today
Ujeeddada Wefti Ka Socda Somaliland Oo Ugu Baxeen Baxeen Dalalka Uganda, Tanzania, Jabuuti Iyo Kenya
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddida Qaran ee Gurmadka Abaaraha Somaliland, ayaa Shalay Safar ugu ambo-baxay Dalalka Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Tanzania, Dalalkaasi oo ay u tagayaan sidii ay ugala soo hadli lahaayeen inay Somaliland kala qayb-qaataan Gurmadka Abaaraha ka jira Somaliland.
Weftiga Guddida Abaaraha oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Sheekh Xasan Cabdisalaan, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jowhar, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland iyo Xubno kale.