ARRABSOM mise AMISOM SALDHIGA MILATARI EE BEBERA:W/Q:Dr. Abdinaasir Ismail Nour
February 10, 2017 - Written by Berbera Today
ARRABSOM mise AMISOM SALDHIGA MILATARI EE BEBERA:W/Q:Dr. Abdinaasir Ismail Nour
ARRABSOM mise AMISOM
SALDHIGA MILATARI EE BEBERA
Muwaadin waxaa beyahan Somaliland ka jirtay hadal haynta saldhig milatari oo xukuumadda siillaanyo ka siinayso dawlada imaaraadka carrabta (UAE) magaaladda Berbera… yaab!!!!
Arrintani maalmahan u dambeeyey aad ayaa looga hadal hayey, bishan 1 deedii Eng. Mohamed Hashi Elmi wa ka hadlay waxaanu iftiimiyey in heshiiskan ay dawladda imaaraadku la galeen dawlada federal-ka ee Somalia, oo uu saxeexay Xasan Sheekh Mohamoud-ka halkaas madaxweynaha ka ahi, balse waxa ay Somaliland saxeexaysaa yahay Memorandum of Understanding (MOU) uu leeyahay maamul goboleedku, waa sida maanta Somalia loo maamulo taas oo nidaamka ay u shaqayso aynaan waxba kala socon, oo tan iyo wakhtigii ay Somalia qaadatay nidaamka Federal-ka iyo maamul goboleedada lagu magacaabo Lands-ka waxba kalama socono waana arrin dadkeena lagu khiyaameyn karo…. Waana ta ay waddo xukuumada siillaanyo … halkana waxa uu Eng. Mohamed Hashi cadeeyey in ay halkaas Somaliland ku baaba’ayso..
Haddaba muwaadin annigu waxaan u qabay in ciidamadii AMISOM ee Somalia ka hawl gali jiray maadama ay Somaliland diiday dawladihii marxuum Egal iyo Dahir Rayaale ee ka horeeyey ninkan hada jooga, in ay maanta la noqotay in sidii Cabdillahi Yusuf uu Somalia ugu ogolaaday in maanta Somaliland waji carbeed lagu soo galiyo ciidamadaas oo huwan ARABSOM.. dadka masaakiinta ahana loogu sheego saldhig aan dawlad ahaan ku bixinay… yaab oo horta ma dal la aqoon san yahay ayaa nahay oo heshiis milatari gali kara? Miyey naan xisaabtamaynin?.
Bal u fiirso inta madaxdii Somaliland arrinta saldhigan ka hadashay:
-Md. Ahmed Yusuf Yaasiin ( madaxweyne xigeenkii hore) waxa uu sheegay in maalinta saldhigaas la saxeexo uu dagaal kow inoo yahay, si dhib yarna lagu qarxin karo haamaha shidaalka ee Berbera, oo ah kuwo u dhisan hab (Civilian) aan dagaal loogu talo galin.
-General Mohamed Hassan Abdillahi (Jidhif) oo ah khabiir milatari isla markaana ah sargaalkii xoraystay Somaliland ee ururkii SNM ka samaystay guutadii 99aadee ugu xooga badnayd ee burburisay cadawgii dalkan haystay, waxa uu ku baaqay in saldhigan aan la aqbalin, oo aynaan la coloobin jaarkeena Ethiopia iyo Yemen.
-General Fadhi kusaan oo ah khubarada milatariga ee geeska Africa laga tixgaliyo, wakhti xaadirkana ka shaqeeya xafiiska miinada ee Qaramada midoobay UN-ta, waxa uu tibaaxay khatarta uu saldhiga carbeed u leeyahay Somaliland.
-Suldaan Xasan Suldaan Cabdillahi oo ah suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal, isna waxa uu sheegay khatarta saldhigani u leeyahay Somaliland.
Haddaba muwaadin ma waxaa la dhageysanayaa masuuliyiinta qarankan mise afartta ay isu keentay disdida qadada ee maanta madaxtooyadda taalaa?… waa su’aal aan weydiinayo dhamaan wax-garadka Somaliland.
Ma waxaa la kala Garran waayey boobkii danta guud ee aduunka yar laga qaadanayey iyo arrimaha caalamiga ah ee khatar goboleedka leh… waa yaab oo kooxda siillaanyo la socotay wey ku socdeen arrintan.. yaab.
Magaca xigmad u GOCASHO
Nin gurguuranaayoo
hadba gees u gudayoo
godob iyo dakano galay
gargariir la yuurara
wuxuu gaysanaayiyo
ciil uu la goohiyo
gurxanka iyo taahiyo
gocashadiisu badan tahay
BAL gorfeeya oo
amuurtaasi guda gala?
Dr. Abdinaasir Ismail Nour
Drnasir908gmail.com