berberatoday.com
Dabacsanaanta Iyo Xamar Ujeelka Xukuumaddeenna Xisbiga Kulmiye, Wuxuu Door Laxaadle Ka Ciyaaray Ruxanka Quluubta Dhallintii Dhalatay Xorriyadda Goonni Isu Taagii Somaliland Kadib,W/Q Maxamed Siddiiq Dhamme
February 11, 2017 - Written by Berbera Today

Dabacsanaanta iyo xamar ujeelka Xukuumaddeenna Xisbiga Kulmiye, wuxuu door laxaadle ka ciyaaray ruxanka quluubta dhallintii dhalatay xorriyadda goonni isu taagii Somaliland kadib, kuwaas oo aan badhkood xogogaal u ahayn in nabadday ku naaloonayaan xinjiro loo daadshay ee aanay haasaawe iyo hadal ku iman. Xukuumadda Xisbiga Kulmiye waxay la kawsatay wadahadallo madhalaysa, caddaalad daro, eex iyo qabyaalad noyad jabishay ummaddi ul iyo diirka ahayd. Qaddiyad Somaliland waa muqaddas dhuuxii halganka iyo dhiiggi dhallintii naftooda hurtay ku asaasan. Qof iyo qofyaal miday beddelli-karaan maaha, waa rabitaan shacab iyo afti dadweyne mid ku taagan.

Farmaajo waa cadaw weyn oo Somalilan leedahay, waaggi uu ahaa Raysal-wasaaraha Soomaaliya, soo dhaweyn iyo sacab u tun ka mudna dadkeenna Somaliland. Madaxweynaha hadda golaha wakiillada Soomaaliya u doortenna waxa uga horeeyay xafiiskii Raysal-wasaaraha halka qaddiyadeenna uu ka taaganyahay waagaasaynu ogayne, weji cuaub maahee ogaadda halkiibu ka miisayaa ogaada. wuxuu muujiyay heerkiisa necbaanshiiyo iyo colaadda guunka ah ee ku jirta fikirkiisa ku aaddan qaranka Somaliland qadiyaddisa . Wuxuu si badheedha u inkiraa qaddiyadda qaranka nus-qarni jirsatay, waxaanay la tahay dhalanteed iyo dhayal-dhayl. Ififaalaha muuqda Farmaajo wuxuu noqondoonna Siyaad-barri labaad rubuc qarni ka dib.

Xukuumadda Kulmiye iimaankeeddu waa doollar, waxa loo baahanyahay feejigni, waxa ka sal ah siday kolba gacanta u dhiibanayso ee ay iib-joogga ula tahay bad iyo berri. Xididika, xaawalayda iyo xulufada indhahoodu lacagta mooye aanay arag halista sidii bilaha hadhay looga badbaadin lahaa qaranka hallo diyaar garoobo.

Xukuumadda Marsadii Berbera bad iyo berri xaqul qalinka ka siisatay Carabta toobabka xidhan, ogobeey gobol iyo qaran inay siistaan baqshiish waxba lama ahee ogaada. Xilka u weyni maanta dhallinyaradu saaran yahay, cidda waxaas oo arami iyo eelka aan sahlanayn ay uga tagaysaa Xukuumadda Kulmiye waa dhallinta mustaqbalkoodi maanta la joogo. Haddaan la baraarugin oo aan laysu bahaysan badbaadada qaranka waxaynu danbarsan doonna qaran rahman oo dillaal iyo doollar la weydaarsaday bad iyo berri

 

 

 

Maxamed Siddiiq Dhamme

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews