berberatoday.com
Heshiiskii Somaliland la gashay Shirkada Imaraatka ee DPW oo sii fashilmaaya kadib markii Heshiiska lagu xidhay qorshaha cusub ee Saldhiga Ciidanka Berbera . Qalinkii A/rahman fidhinle
February 11, 2017 - Written by Berbera Today
Sida ay noo xaqiijiyeen illa-wadareedyo lagu kalsoon yahay oo u dhuun daloola halka uu maraayoo mashruucii Dekeda Berbera ay kula wareegayeen Shirkada DPWorld dhawaan. Ayaa la sheegayaa in fadhigii u danbeeyey ee Labada dhinac isku horfadhiisteen in lagu kala kacay dhawaan , kadib markii  dhinaca shirkada imaraat ka ee DPW ee maalgashanaysa Dekeda Berbera ay la yimaadeen codsi cusub iyo qorshe hor leh oo odhanaaya in aay mudo 2 sanadood ah tijaabo ku samaaynayaan sida ay Dekadu u shaqaaynayso iyo dakhliga dhaqaale ee laga heli karo sanadkiiba intaanay lacag baddan iska galin Dekeda Berbera. Waxaana ay intaa raciyeen in shuruudaha malgalinta Dekeda Berbera ay mar walba ku xidhan tahay in isna la siiyo oo loo ansixiyo Saldhiga ciidanka ee  Berbera.

Waxaa kale oo iyana soo baxaaya in mashruucan marka horeba lagu heshiiyay ee saxeexa lagu boobay 9/5/2016 aanu dhameys tirneyn oo madmadow badani uu ku jiray gaar ahaan dhinaca Shuruucdii lagu maamuli lahaa mashruucan oo aan isagu dhamaastirnayn, kaa soo iska ahaan qabyo qoraal isfan uun ah. Wararka kale ee mashruucan Berbera ee DPW ka soo baxaaya dhawaanahan ayaa ka dhawaajinaaya in iyana xubnihii Dawlada Somaliland  hawsha mashruucan u xil-saartay uu khilaaf ba’ani hadheeyey oo ay “hargo waraabe isu gashadeen”  oo xubintii ugu muhiimsanayd  ee hagaysay hawshaa mashruuca ay aad uga cadhootay qorshahaa cusub ee Dekeda iyo Saldhiga milateriga laysu dul-barkiyey ee miiska ay soo saartay Shirkada DPWorld.

Waxaa ilaa iyo imika la hubaa, in ay gacanta xukumada mashruucaa ka soo gaadhay lacag dhan  $ 5 Million USD dollars. Isla markaana balan qaadku uu ahaa  $ 10 million – ilaa $15 million oo USD dollars in ay soo gaadhaan  dhinaca xukuumada Somaliland. Lakiin xaalku halka uu maraayo maanta ay lacagtii maalgashiga ee ay balan qaadeen shirkada DPW ee aheyd $ 442 Millions USD dollars uu meesha ka siibaxaayo maadaama uu muran xoogani yimi ” Dekediina 2 sanadood oo tijaabo ah lagu xukumay”  heshiiskaasina uu markii horeba iska ahaa mid aan la falkin oo aan Cadayn ee caad iyo ciiro qarsooni saarneyd hadana shuruud hor leh looga dhigay in Saldhiga Ciidamada iyo Dekeda laysu raaciyo Shirkada DPW si ay maalgelinta u meelmariyaan una bilaabaan.

Arintaasi  Waxay dhinaca Xukuumada JSL ku keentay in ay naflacaaridkii iyo Jaahwareerkii ka soo wajahay ay talo u raadsadaan dalka Ethopia si ay uga soo dhaadhiciyaan arinkan cusub ee soo kordhay ee  Saldhiga Ciidamada ee Berbera maadaama markii horeba dawlada Ethopia hawsha maalgelina xogogaal u aheyd aadna uxiiseynaysay in ay sheerer ka hesho oo qayb ka noqoto.

Waxaa kale oo arimahan isku cakirmay ay fadeexad qaawan iyo karaamo la’aan ku tahay Golaha Baarlamaanka ee Somaliland oo Xukuumadu min $10 kun oo doolar oo  Dhaameel ah ku marsiisay  Golahan heshiis aan dhameys tirneyn oo ujeedooyin badani ku hoos duugnaayeen islamarkaasina iyagu aan eegin Gole ahaan danta ummaddii soo dooratay ugu jirta ee eegay danahooda shaqsiga ah oo kelya.

Guntii iyo Geba gebadii :  Waxaa  warkan la soo raaciyey in shirkada  DPW ay Dekeda Berbera u soo magacaabayso  ninka maamuli doona ee madaxda ka noqon doona  kaa soo asal ahaan  ka soo jeeda  Masaari  magaciisana la yidhaa – Ibrahim Alhammadi  Chief Executive Officer / CEO /  DPWorld   Berbera Port.  Waxaan idiinku ku soo garoocayaa qormadan “anigu daaha kama rogin ee dadkuba wuu arkaayaa ” !

Alleh ayaa Mahada Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews