“Wax Heshiisa Oo La Galay Ma Jiro, Anigu Ma Saxeexayo Waxaan Danta Somaliland Ku Jirin, Heshiis Aanay Danta Somaliland Ku Jirina Cidna Ka Yeeli Mayno”Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire
February 11, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)–Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inaanu shakhsiyan marna saxeexi doonin heshiis aanay dani ugu jirin qaranka iyo dadka reer Somaliland.
Wasiir Sacad oo shalay saxaafadda la hadlay isagoo horkacayay wefti ka soo laabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, wuxuu kaloo sheegay inaanu jirin ilaa hadda heshiis rasmi ah oo dhex maray dawladaha Somaliland iyo Imaaraadka Carabta oo ku saabsan saldhiga milatari ee dekedda Bebera, “Ilaa iyo hadda wax heshiis ah oo aan saxeexnay oo cid lala gaadhnay ma jirto, arrinka saldhiguna waa arrin gobal, dabcan Djibouti iyo Itoobiya waanu ka wada hadalnay, waanan ku wargelinay in laga wada socdo arrimaha heer gobal. Wadanka go’aankiisa inagaa leh, Dawladda Somaliland ee uu hoggaaminayo madaxweynaheenu, marnaba ku talin mayso, soona dhigi mayso wax ku liddi ah sumcadda dalka iyo dadka. Jaarkeenuna way inoo tixgelinayaan wixii aynu inaga go’aankeena iska leenahay, inaguna waan tixgelinaynaa wax kasta oo kaga xidhan go’aank kasta oo aan gaadhno.” ayuu yidhi Wasiir Sacad.