Maxamuud Xaashi Iyo Baashe Moorgan Waxay Ka Faa’iidaysteen, Madaxweyne Siilaanyo Oo Xiskiisii Maqanyahay (Faallo)- Sakariye-Awaare.
February 11, 2017 - Written by Berbera Today
Hargaysa(Berberatoday.com)-tan iyo intii ka danbaysay labadii sanno ee hore oo Madaxwe Siilaanyo si weyn loou tuhmayay in uu u khuurinayo nidaamka maamul ee hannaanka dawladnnimo, waxa aan marna ba qarsoonayn in ragga maanta mindida daabkeeda hayaa ay aad isu dhuubayeen isuna ilaalinayeen hase yeeshee, ay wakhti xaadirkan isku ballaadhiyeen in ay taladii dalka sida ay doonaan ugu tagrri falaan, iyaga oo adeegsanaya awoodihii Madaxwenuhu ka seexday.
Shaki kuma jiro, in haykalkii dawladnnimo iyo maamulkii uu si toos ah faraha uga baxay, hantidii ummaddana si bilaa xisaab ah loo lunsaday, sababta oo ah shacbiga somaliland may dooran Maxamuud Xaashi Cabdi (Wasiirka Madaxtooyada) iyo Baashe Cawil Xaaji
Cumar (Safiirka Imaaraatka Carabta) oo Madaxweynuhu soddog u yahay, markhaati loo doonayaa ma jiro in manta ay gacanta ku hayaan talada iyo maamulka dalka ba sida ay doonaana ay ka yeelaan guud ahaan ba geeddi socodka nidaamka maamulka dawladnnimo ee golaha xukuummadda oo Madaxwene Siilaanyo qodobka sagaashanaad ee dastuurku u xalaaleeyey in aan cidina ku lammaanayn, taas oo xaaran maqdac ah iyo qayral sharci ka dhigaysa wax kasta oo awood Madaxweyne ah oo ay ka taliyaan, ku tagrri falaan, cid magacaabaan, cid xilka ka qaadaan, dekadaha iibiyaan, saldhigyo bixiyaan.