Madaxtooyada Oo Xalay Kulan La Yeelatey Xildhibaanada Beesha Suber Awal , Laba Xildhibaan Oo Dagaal Dhex Maray Iyo Wasiir Sacad Oo Dibada La Dhigay
February 11, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ilo Xog Agaal Ah Ayaa Waxaa Ay Noo Xaqiijiyeen In Madaxtooyada Somaliland
Ay Habeenkii Xalay Ahaa Kulan La Yeelatey Xildhibaanada Beesha Habar Ah Ee Labada Gole Baarlamaan Ee Wakiilada Iyo Guurtida

Kulankan Oo Sida Xoguhu Noo Xaaqiijiyeen Ka Dhacay Madaxtooyada Somaliland Ayaa Si Rasmi Ah Loo Ogeyn Waxyaabaha Ay Ka Wada Haleen Balse Ilo Ka Agdhaw Waxaa Ay Noo Xaqiijiyen In Madaxtooyada Iyo Xildhibaanadu Ka Wada Hadleen Arinta Saldhiga Magaalada Berbera Laga Siinayo Dawlada Imaaradka oo la filaayo in uu madaxweynuhu fadhi wada jir oo ay labadaasi gole bari yeelan doonan uu kaga hadlo