War Deg Deg Ah”Hal Qof Oo Caawa Lagu Dhex Dilay Badhtamaha Magaalada Hargeysa
February 11, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxaa caawa badhtamaha magaalada Hargeysa lagu dhex dilay hal qof oo aan wali si rasmi ah loo aqoon cida uu yahay iyo cida dishay
Marxuumka la dilay ayaa waxaa uu yahay wiil waxaana lagu dilay agagaarka fooqa Ilama Faarax Joome oo ku yaala badhamaha suuqa weyn ee magaalada Hargeysa , waxana lagu dilay marxuumka sida lanoo sheegay Mindi Ama Toori.
Ciidamada Booliska Somaliland iyo kuwa danbi baadhista oo goobta soo gaadhey ayaa waxaa dad goob joogayaal ahi u xaqiijiyeen Berberatoday.com in ay meydkiii ka qaaden goobta isla markaana ay dhawr qof u qab qabteen