berberatoday.com
Xukuumadda Somaliland Oo Berbera Soo Dhoobtay Ciidamo Millatari Ah Iyo Dibad-baxyo Xooggan Oo Laga Abaabulayo Magaalooyinka Waaweyn Ee Somaliland Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay
February 11, 2017 - Written by Berbera Today

BoolisBerbera(Berberatoday.com)-Waxa maanta Ilaa shalay Magaalada Berbera ee xarunta Gobollka Saaxil Laga dareemaayay dhaqdhaqaaq Ciidan oo gaaf wareegaya daafaha Magaalada Berbera,

Xukuumadda Somaliland ayaa Berbera usoo dirtay Ciidan iyo Gaadiid milateriga oo xoojin ah, kuwaasoo sida xogaha aanu helay tibaaxeen loogu talo-galay inay xoojiyaan ciidamada Booliska ee ku sugan Gobolka haddii dhaqdhaqaaqyo diidmo ah ama dibed-baxyo laga dareemo dadweynaha ku dhaqan Magaalada Berbera.

Waxa kaloo, wararka isla amuurahan la xidhiidhaa sheegayaan inay Madaxtooyadu amartay Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan ee Somaliland inay heegan galaan, isla markaana difaac ka galaan qaybaha kala duwan ee Magaalooyinka waa-weyn, gaar ahaan Magaalada Hargeysa iyo nawaaxiga qasriga Madaxtooyadda, oo sida la filayo uu beri ka dhici doono Fadhi-wadareedka Labada Aqal ee Guurtida iyo Wakiiladda, halkaasoo Madaxweyne Siilaanyo uu ka jeedin doono qudbad-sanadeedkii Xukuumadda iyo weliba arrinta muranka weyni ka taagan yahay ee ku saabsan saldhiga Milateri ee Xukuumaddu u balan-qaaday inay siiso dawladda Imaaraadka Carabta.
Geesta kale, waxa Magaalooyinka Somaliland dhamaantood laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo ku saabsan abaabul dadweynuhu dhexdooda ka wado, kaasoo dadweynuhu ugu talo-galeen inay dareenkooda ku muujiyaan Maalinta Beri inta uu socdo fadhiga labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland, waxaana xaaladaha qaar iftiiminayaan in bulshadu arrintan uga dan leedahay inay Tusaale fiican u noqoto Xukuumadda tallada haysa.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews