“Waxse Kaas Kaba Duun Xun Kuwan Daawanayuune Haddii Uu Dalka Iibshoo Dadka Jooga Xaraashoo Dhammaantood Isdulsaaroo Diiday Aan Odhanayne Sida Xoolo La Duubay Hadba Meesha La Daajo Udareera Dharaarbee Laxdii Daylo La Moodo!! Abwaan Yusuf Galaydh
February 13, 2017 - Written by Berbera Today
By Yusuf Galaydh:
Dekedda Berbara ee imaaraadka saldhigga milliteri laga siiyey iyo sida sida hanka ee hanka liita ku qotonta ayaan intan sida ka idhi.
Dekeddii barbaraadeey
Hadduu maanta dillaalku
Dhuuni uu kugu doontay
Amuu doollar ku siistay
Waa damiirka nin liidkoo
Hankiisaa la dulleeyoo
Waligii damaciisu
Wuxuu daanka ku moosiyo
Hadba daar u bineeyiyo
Dabaabaad yar cusboon iyo
Danihiisa ma dhaafee
Ilaahay dakharkooda
Ha ku beego dushooda
Waxse kaas kaba duun xun
Kuwan daawanayuune
Haddii uu dalka iibshoo
Dadka jooga xaraashoo
Dhammaantood is dulsaaroo
Diiday aan odhanayne
Sida xoolo la duubay
Hadba meesha la daajo
U dareera dharaarbee
Laxdii daylo la moodo!!
Dan ayaa isu keenta
Dadka jooga adduunkoo
Daawaa uun ka dhaxaysoo
Ninba meesha u dooruu
Diiraddiisa sudhaaye
Ninka duunyadad haysay
ka dikhooday haddeere
Doofaarkii ingiriiskiyo
Sida eyga u diiday
Ee ka mamnuucay dalkiisa
Bal maxaa dagalkaaga
Dekeddii Berberaadeey
Dayrkan wayn uga ooday
Oo danahoo iiga cabbaaya!?
Markay diiftu ku haysay
Ninkii diiday xalkaaga
Ninka aan wax dareen ah
Ka lahayn dummaddaada
Hadday duumo ku xaaqdo
amay daanno ku gaadho
Ka ku diirsada uune
Dugaydaada ku naaxa
Bal maxaa dagalkaaga
Dekeddii Berberaadeey
Dayrkan wayn uga ooday
Oo danahoo iiga cabbaaya!?
Ciidankii dhul dagaalkiyo
Deblay gaas raminaysiyo
Hadba qaar ku danqaabiyo
Durrujaa xumo keeniyo
Dirays guuto ku taagan
Bal maxaa dagalkaaga
Dekeddii Berberaadeey
Dayrkan wayn uga ooday
Oo danahoo iiga cabbaaya!?
Dhaqan dooris carbeedoo
Dhulka daano u gaystoo
Diinta kaa fasaqaaya
Bal maxaa dagalkaaga
Dekeddii Berberaadeey
Dayrkan wayn uga ooday
Oo danahoo iiga cabbaaya!?
By Yusuf Galaydh