Dib U Dhaca Doorashada Iyo Muddo Kordhinta Oo Wiiqday Xidhiidhka Somaliland Iyo Beesha Caalamka Iyo Doodda Xukuumadda Madaxweyne Silanyo
February 13, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xidhiidhka Somaliland iyo wadamada caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ayaa waxa uu u muuqdaa inuu ku yimid hoos u dhac, ka dib; dib u dhaca doorashooyinka iyo muddo kordhinaha kala duwan ee loo sameeyay madaxweyne Siilaanyo iyo baarlamaanka.
Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in dalalka reer galbeedka ee taageera dimuqraadiyadda Somaliland, ay muddo kordhintan iyo dib u dhigistan u dambaysay ku keentay isbedel mug leh, iyagoo ku hanjabay inay wax ka bedelayaan wada shaqayntii Somaliland, gaar ahaan dalalka maalgeliiya sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF ayaa la sheegay inay dib u eegis ku samaynayaan sanduuqaas, iyadoo la filayay inay sannadkan 2017 saddex jibaaraan caawimadii sanduuqaas.