berberatoday.com
Run Mise Been Cabdiraxmaan Ciro Iyo Muuse Biixi Toona Daacad Kama Ah Badbaadinta Iyo Hogaaminta Dalka Somaliland Qalinkii Sammo Omar
February 13, 2017 - Written by Berbera Today

Run mise Been: Cirro iyo Muuse midna daacad kama aha badbaadinta iyo hoggaaminta dalka.

Cirro 10 saacadood ka hor ansixinta heshiiska ayuu shir jaraa’id qabtay. Wuxu yidhi, “waxa aan la mawqif ahay Xildhibaanada xisbiga ee hadlay ee kasoo hor jeestay heshiiska.” Bal hadda u fiirso: isaga oo ah guddoomiyihii ay ahayd in uu abaabul sameeyo oo xisbigiisa iyo dadweynahaba ku baraarujiyo khatarta heshiiska oo gucle iyo orod u galo baajinta ansixinta heshiiska, ayaa dhowr saacadood ka hor ansixinta leh, “waan la mawqif ahay..”

Kasoo gudub taas. Shalay maxaa la gudboonaa? Waa ninka saddexaad ee dalka ugu muhiisaanka culus. Wuxu awoodi waayay in uu golaha ka dhex hadlo oo uu afka furto oo weliba uu yidhaahdo xildhibaanada Waddani iyo kuwa raba badbaadinta dalku haka soo dareeraan golaha. Oo weliba, hadduu geesi yahay, uu muddaharaad abaabulo oo uu hor kaco dadweynaha. Naftu mar ayay baxdaa ee laba jeer ma baxdo. Taas beddelkeeda intuu gaadhigiisii galay ayuu afar xisbigiisa ah meel kula shiray!

Muuse oo wefdi uu hogaaminayaa uu la kulmay madax waddan kale weli ma aragtay? Khalad ha ii fahmin oo kama wado lama kulmi karo ee laakiin maalmo ka hor heshiiska, maxaa wacay in uu wefdi kaxaysto oo uu R/W Ethiopia la kulmo? Miyaanay ahayn in uu siday farriin qooto qooto ah oo Siilaanyo usoo dhiibay si uu, ugu yaraan, u qanciyo Ethiopia? Miyaanu qayb ka ahayn xaraashka dalkiisa?

Haddii ay maya tahay jawaabtu, muxuu uga hadli waayay ee uu si degdega shalay dalka ugu soo noqon waayay ee uu guntiga dhiisha iskaga dhigi waayay inta uu marna qabriga Melez ku dul wareeegayo marna Jigjiga sawirada ku gelaayo? Meeday hoggaamintii iyo kartidii uu noo sheegay in uu Somaliland ku xoreeyey?

Run mise been: Cirro iyo Muuse labaduba waxay shalay caddeeyeen fashilkooda hogaamineed iyo in aanay ahayn raggii dalkan curdinka ah majaraha u qaban lahaa.

Isma dhiibayno, is mana dhiibi doonno weligeen!

W/Q Sammo Omar

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews