Dawlada Imaaraatka Carabta Oo Koonfurta Afrika Ka Soo Kiraysanaysa Duuliyeyaal Calooshood U Shaqeysteyaal Ah Oo Xuutiyiinta Ka Weerara Madaarka Diyaaradaha Berbera
February 14, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Imaaraatka ayaa ku talo jirta inay duuliyeyaal calooshood-u-shaqeysteyaal ah u adeegsato duqeynta ciidamada Xuutiyiinta ee dalka Yeman ka dib markay la wareegto madaarka Berbera ee Somaliland.Imaaraatka iyo xukuumadda Somaliland ayaa bishii September 2016 kala saxeexday heshiis Imaaraatka u saamaxaya inay saldhig milatari ku yeelato xeebta Berbera gaar ahaan madaarka ku yaala magaaladaasi oo ay u doonayaan diyaaradahooda dagaalka ee ka qaybqaata duqaynta cirka ah ee ay ciidamada Isbahaysiga dawladaha Khaliijku ku hayaan maleeshiyada Xuutiyiinta reer Yeman ee ay dagaalka kula jiraan tan iyo horaantii 2015.

Blackwater USA founder Erik Prince is sworn in on Capitol Hill in Washington, Tuesday, Oct. 2, 2007, prior to testifying before the House Oversight Committee hearing examining the mission and performance of the private military contractor Blackwater in Iraq and Afghanistan. (AP Photos/Susan Walsh)