berberatoday.com
Canbaareyn inqilaabkii Golaha ka dhacay ee lagu lunsaday lacagtii lagu bedeshay Saldhiga Berbera waayo kuma qeexna 15 qodob ee iyaga ku kooban.Qalinkii A / fidhinle UK
February 14, 2017 - Written by Berbera Today
Fawdadii , Afduubkii iyo inqilaabkii ka dhacay fadhigii wada jirka ahaa ee labada Gole ka dhacay Axadii 12/2/2017 Waa taariikh madow oo lagu xusuusan doono Xukuumada Somaliland taasoo baabiisay shuruucdii iyo dimuqraadiyadii dawladnimada Somaliland. Waxaa shacabka reer Somaliland u cadaatay in go’aan qaadashada Xukuumadu ay ku salaysan tahay oo keliya danaha koox yar oo gaar ah ee aany go’aan qaadashada xukuumadu ku saleysneyn masiirka shacab weynaha reer Somaliland. Waxaa Goobta la keenay muu aheyn heshiis  laba dhinac ah ee waxaa uu ahaa qoraal Xukuumada ku kooban oo 15 qodob oo soo jeedin ah kaas oo  si afduub ah oo jujuub ah loo marsiiyey Golaha.
 
Waxay aheyd in 15-ka qodob si miyir qabta goleyaasha loogu soo ban dhigo lana siiyo waqti ay akhriyaan oo naaqishaan, kadibna iyada oo aan waxba kala jiidanayn si miyir qabta looga doodo oo fikrado iyo su’aalo caafimaad qaba laysaga weydiiyo taasina nasiib daro may dhicin. Waxaa dhacday jujuub, Cabudhin, cago jugleyn iyo in xildhibaanadii oo aan iyagu hubeysneyn in askar lagu dalbado oo dadka hortooda lagu jidh dilo oo lagu jiid-jiido laguna cabudhiyo.Xildhibaanadu sidoodaba dhowrsanaan ayey leeyihiin oo xasaanadii laguu soo doortay ayey leeyihiin oo huwan yihiin.
 
15-ka Qodob ee  meesha la keenay waxay ku kooban tahay oo keliya Xukuumada Siilaanyo, kumana qeexna baaxada dhulka Saldhigu yeelanaayo, kuma qeexna lacagta kirada ah ee ay bixinayaan imaraatku kuma qeexna  Baaxada Dekeda laga siinaayo Xeebta awliyo koonbo. Mashaariicda kuwada qoran warqada badankoodu waa ” cowsleh la soo muuseeyey oo waa ( Duplicate ) oo waa kuwii ku qornaa mashaariicdii heshiiskii hore ee DPWorld. Waxaa wax garadka reer Somaliland isku raaceen in aanu heshiiskani salka ku hayn danaha iyo masiirka Shacabka reer Somaliland ee uu ku saleynsan yahay oo keliya danaha kooxda yar ee aynu wada garanayno. Wixii mood, magan, iyo maal ay Somaliland usoo dagaalantay ayaa shaqsiyaad  kooban oo aan la mahadin ay maalin cad jeebkooda ku shubteen dhamaan dhaxalkii iyo dhitadii ubadka reer Somaliland ku noolaan lahaayeen mustaqbalka.
 
Gebo Gebo: Maadaama Xukuumada Siilaanyo ka leexatay dariiqii saxa ahaa ee sharciga ahaa oo aanay danta iyo dareenka shacabka ku shaqeyneyn Waxaa shacabka reer Somaliland la gudboon in ay ka dhiidhiyaan oo dareenkooda iyo Diidmo shacbi oo  mug leh ay ku muujiyaan arinkaa Afduubka ah ee lagu ansixiyey Saldhiga Berbera.
 
Alleh ayaa Mahada Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews