Reer Saaxilow Xaaladeenu Waxay Maraysaa Halkii Mujaahidiinta Aynu Maanta Ku Faanaa Ay Ka Baxeen. Bi’iwaayee ina kiciyaa labada dowba ha la xidho, W/Q Aqoonyahan: ISmaaciil Cabdilaahi Cilmi(dheeg)
February 15, 2017 - Written by Berbera Today
Reer Saaxilow Xaaladeenu Waxay Maraysaa Halkii Mujaahidiinta Aynu Maanta Ku Faanaa Ay Ka Baxeen. Bi’iwaayee ina kiciyaa labada dowba ha la xidho, dadkii danta qaranka Alle u naxariistaygii Gigaal ka xidhi jiray baa inoo talinaaya (saleeban gaal iyo siilaanyo). Haddaad geerida diidaan Goobta laysku dilaayo gawraca aad ka baqanaysaan sow adoo gurigaaga aad yar gaari la jiifa gumac kuumayimaado (waa gantaalka xuutiyiintee) Xigasho Abwaan , Macalin : C/Samad (Dheereye Aniga oo ka mida masuuliyiinta Degmada Berbera ee Xisbiga wadani waxaan maanta ka adkaysan waayey oo aan qalinka u qaatay halkaa qaranimadaydii lala maraayo oo ah meel halisa waad arkaysaan waxaa dhacay Afgenbi lagu sameyey Golihii sharciga ahaa ee aynu soo dooranay Xildhibaanadii ina metalaayey oo la laayey waxaa waxaan loo adkaysankarin halka xaalada dalkuu marayso maanta sidaa awgeed dadwaynaha reer Somaliland waxaan leeyahay ha la kaco oo ha la badbaadiyo qaranimadeena kuwii qaranimada iyo jiritaanka somaaliland ina Cigaal ka xidhij iray baa maanta inoo talinaayoo Qarimadeenii hog madow ku sii wada halaga gaadho. Saldhigan milatariga ee la shegayaana waa dhulka hoos marin waxaa khalkhal lagu gelinayaa qaranimadeena in xukun milatari laynugu qabtaa la doonayaa oo somaliya layna raaciyo dilaaliin ma gafayaalabaa in helay waar sidi siyaad ha loo galo. Berina hablahaan kiraynayaa baa xigta. Askariga la keenaana dhaqan xumuu kugu soo kordhinayaa. Nin qori sitana dhaqaale laga ma faaiido colaad mooyee.