berberatoday.com
Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Walaalkii Oo Laba Hablood Oo Basaasiin Ahi Ku Dileen Irbad-sumaysan
February 15, 2017 - Written by Berbera Today

Maleysia(Berberatoday.com)-Nin ay Walaalo ahaayeen Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa la rumaysan yahay in uu ku dhintay Malaysia.

Warka KuuriyaIlo wareedyo Ingiriis ah oo ku dhow qoyska Kim Jong Nam ayaa BBC u sheegay in sun loo adeegsaday.

Mid ka mid ah Warbaahinta Kuuriyada koofureed ayaa sheegtay in ninkaas ay laba dumar ah oo isticmaalay irbado sumaysan ku dileen garoonka dayaaradaha ee Kuala Lumpur, kadibna waxa ay ku baxsadeen gaadhi Tagsi ah.

Askari ku sugnaa Madaarka Kuala Lumpur  oo Magaciisu yahay Cabdulcasiis Cali, ayaa Warbaahintu ka soo xigatay inay gacanta ku dhigeen Nin Kuuriyaan ah  oo xanuunsanaya oo da’diisa uu ku qiyaasay Afartameeyo, kaasi oo ku sugnaa Madaarka, laakiin uu dhintau intii lagu sii waday Cisbitaalka “Wax faahfaahin ah oo  aan ka haynaa ninkan ma jirto ilaa iyo haatana uma hayno wax aqoonsi ah iyo cidda uu yahay, kaliya waxa aan haynaa inuu yahay qof u dhashay Dalka Koonfurta Kuuriya.”

Laakiin, mar dambe ayaa la ogaaday in Ninkan uu Askari ku sheegay inuu u dhashay Kuuriyada Koonfureed uu yahay Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Walaalkii.

Kim Jong Nam ayaa ahaa Wiilka ugu weyn Carruurta Hoggaamiyihii hore ee Kuuriyada waqooyi Kim Jong 2, waxaanu ahaa dhaxal-suge dhinaca Xukunka Dalkiisa ah ka hor intii aanu Aabbihii Geeriyoonin, balse waxa uu kalsoonidii Aabihii ku waayay qalad uu sameeyay oo ahaa inuu isku dayay inuu Baasaaboor  Fooljari ah ku galo Dalka  Japan, si uu u soo booqdo goob Dalxiis oo ku taalla Dalkai Japan, loona yaqaano Disneyland.

Kalsoonida Aabbihii ee uu lumiyeyna waxay keentay in Walaalkiisa ka yar ee haatan talada Dalkaasi hayaa uu ku noqday hoggaamiyaha Dalkaasi.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews