Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee Secja Oo Sida Fiinta Uga Qayliyey Xadhiga Xaqdarada Ah Ee Weriye Maxamed Aadan Dirir Oo Wasiirka Madaxtooyadu Ku Xabusay Adigoo Beesha Madaxweynaha Kasoo Jeeda Sideebaad Ubaahisa Wararka Mucaaridka Oo Aad Xukuumada Qalinkaaga Ugu Difaaci Weydaa…?.
February 18, 2017 - Written by Berbera Today
“…markii aanu u dhabbo galnay ujeedada xadhiga Weriyahani ay kusoo Ururtay arrin Ugub ah, kaddib markii uu Wasiirka Madaxtooyaddu Md. Maxamuud Xaashi oo weriyahan si toos ah u bar-tilmaameedsadday isagoo sheegaya inuu Saxafi Maxamed Aadan Dirir yahay Nin Beesha Madaxweyne Siilaanyo kasoo jeeda, isla markaana aanay habooneyn inuu Baahiyo Wararka Lidka ku ah ee asxaabta Mucaaridka kaga imanaya Xukuumadda tallada haysa, balse uu baahiyo wararka lagu difaacaayo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo,isagoo weriyaha ku waajibinaaya inuu Hab beeleed ku difaaco Xukuumadda uu wasiirka ka yahay”. Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SECJA