Daawo Muuqalka”Madaxweyne Siilanyo Oo Saaka Dalka Ka Dhoofay Iyo Afhayeenkiisa Oo Ku Dhiiran Waayay Inuu Jawaab Saxa Ka Bixiyo Safarka Madaxweyne
February 18, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa maanta dalka ka dhoofay isaga oo u sii jeeda wadanka Boqortooyada Ingiriiska,
Madaxweynaha oo salaan sharaf madaxtooyada kaga qaatey ciidanka qaranka ka hor intii aanu madaarka ka dhoofin ayaan la hadlin warbaahinta sidii caadada u ahayd.
Taas badelkeed waxaa warbaahinta la hadley afhayeenka Madaxtooyada Xussen Dayr isla markaana faahfaahin dhab ah oo la fahmi karana ka bixin waayay Safarka Madaxweyne Siilanyo oo laga Wada warqabo inuu la xidhiidho safar caafimaad Alle ha caafiye hase yeeshee Afhayeen Xuseen Dayr ayaa Wasiir Maxamud Xaashi ku amray inuu been ka sheego Safarka Madaxweynaha hadalo kale oo faataa dhug ahna goobta ka akhriyo.