“Waxan Cambaaraynayaa Hadalkii Kasoo Yeedhay Maamulka Sare Ee Dekeda Ee La Xidhiidhay Shaqaalaha Dekeda Berbera”Aqoonyahan: Ismaaciil C/laahi Cilmi (Ismaaciil Dheeg) Xoghayaha Degmada Berbera Ee Xisbiga Wadani
February 19, 2017 - Written by Berbera Today
Waxaan Halkan Dhaleecaynayaa Hadalka Ka Soo Yeedhay Masuuliyiinta Dekeda Caalimiga Ah Berbera Kaa Soo Ay Ku Sheegeen Haddii Ay Dpworld La Wareegto Dekeda In Aaanay Cida Ay Eryeyso Iyo Cid Kale Toona Aanay Ka Masuul Ahayn. Taas Oo Dalka Iyo Dadkiisa Toona aanay Dani Ugu Jirin Aniga oo ah masuul ka tirsan xisbiga waddani waxaan maanta ka xumahay dadkaygii iyo halka lala marayo oo ah halkii aan ka hadlaayye markii la soo hadal qaaday shirkad ku sheegtan baadhashada maleegana taasi oo ah in maanta lala maraayo shaqaalihii in la yidhaahdo anaguu kama masuulnihin cidii la eryaayo iyo cidi kale runtii waa hadal aan meesha leegan kaas oo cadaynaaya Xukumada liidata iyo Xisbiga kulmiye ee is xanbaarsaani sida aanay dalka iyo dadka aanay ugu haynin wax dan ah . Waxaanaan halka u marinayaa fariin shaqaala weynaha Dekeda Berbera in ka foojignaadaan maleega fog ee loo dhigaayo ee lagu mulki weejinaayo .