Sir Culus”Wasiir Maxamud Xaashi Oo Ku Hawlan Ishaafalato Uu Ku Damacsan Yahay Inuu Hal Milyan Oo Dollar Ka Siisto Faysal Cali Waraabe Gudoomiyenimada Xisbiga Ucid Iyo Boqor Buurmadaw Oo Dilaal Ka Ah Biicaas
February 20, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo u gogol xaadhaya sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa xisbi uu Gudoomiye ka yahay, marka uu ka tago ama’se Xukuumadda uu wasiirka ka yahay muddo xilleed keedu dhamaado, ayaa hadii lagaga guuleysto xilka Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo rag kula loollamayaan hanashadeeda, waxa uu qorsheeyey, isla markaana dhabba kasii xaaadhay inuu Musharraxa waraabe u taaga ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe ka Iibsado Xilka Gudoomiyenimada Xisbigaas Ucid.