berberatoday.com
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Puntland Oo Kumanaan Neef Ku Muddey Daawooyin Dhacay Iyo Xoolihii Dhintay
February 21, 2017 - Written by Berbera Today

Garoowe(Berberatoday.com)-Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Maamul-gobolleedka Puntland, ayaa waajahaysa Fadeexad iyo Cambaareyn, ka dib markii ay qaadday olole ay ku tallaashay Xoolaha, iyadoo Daawooyinka ay Xoolaha ku Tallaashay isla-markaana u qaybisay Xoolo-dhaqatadu dhaafeen wakhtigii loogu talo-galay in la isticmaalo.

Warka PuntlandWasaaradda ayaa Ololahan oo bilaabmay bishii January ee Sannadkan ku tallaashay kumanaan neef oo ku dhaqnaa Afar Gobol oo ka mid ah Puntland, nasiib-darro’se daawooyinka ama talaalka la qaybiyey ama xoolaha lagu muday ayaa ahaa kuwo dhacay sanad ka hor.

Muddadii u dhaxaysey 21-31.01.2017, Wasaaradda Xanaanada Puntland waxay qaadey olole ballaadhan oo lagu talaalayo xoolo aad u badan.

Mashruucan oo loogu magacdarey RAHS (Reinforcing Animal Health Services) waxaa dhaqaalihiisa bixiyey AU-IBAR iyo Midowga Yurub waxaana daaha laga rogay sanadkii 2014, kaas oo qorshihiisu yahay in daawooyinka xoolaha la gaadhsiiyo qoysas ka badan 250, 000 kun oo xoolo dhaqato ah.

Ololaha waxaa ka qayb-qaatey 15 kooxood oo loo kala direy gobollada, iyada oo kuwa ugu badan loo direy dhulka loo hayaamey ee roobabku ka da’een bilowgii bishii Diseembar 2016, kuwaas oo hoos taga degmooyinka Isku shuban, Bandar-bayla iyo Xaafuun. Nasiib wanaag dhakhaatiirta xoolaha ee mashruucan la socotey ayaa ogaadey in daawada ay qaybisey Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland ay tahay mid dhacdey sanadkii 2015, kadibna waxaa la soo celiyey intii ugu badneyd ee daawadan dhacdey ee lagu talaaley xoolaha.

Daawada dhacday ee Xoolaha lagu muday, loona qaybiyey Xoolo-dhaqata, ayaa Magaceedu yahay TYLOVET, taasi oo sida Warbaahinta Puntland sheegtay aan laga helin Deegaannada Puntland, balse Hay’adda Mashruucan bixisay ay ugu deeqday Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Puntland

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews