berberatoday.com
20-ka Febraury: Maalin Dhiidhi Dhallinyaro iyo Kacdoon Dadweyne!
February 21, 2017 - Written by Berbera Today

Sannad Guuradii 1-aad

 

Sannad guuradii 1aad ee ka soo wareegatey Gadoodkayagii ardayeed ee 20-kii Febraury 1983 xuskeedii oo Axad ku beegnaa waxa aan ka mid ahaa koox arday ah oo la qaqabtay. Maamulayaashii dugsiyada ayaa halkii aannu ku xidhnayn naloogu keenay. maamulihii dugsigaygii aan u beddeshey ee Gacan Libaax, Muuse Madoobe, ayaa aniga iyo dhawr arday oo kale naqwo ahaan noola baxay oo naga sii daayey askartii aannu u xidhnayn. Maamule kastaa dhawr arday oo uu weji yaqaanney ama ay si kale isugu xidhnaayeen ayuu ka naqaystay maxaabiistii. Aniga iyo Muuse Madoobe wax aan arday iyo maamulihiis ahayn nagama ay dhaxayn. Keliya waxa uu Muuse ogaa in aan ka mid ahay ardayda ugu waxbarashada jecel.

 

Ardayda xidhxidhnayd intoodii badnayd waxa loo dhaadhiciyey jeelka Mandheera, iyada oo xidhnaanta iyo sii dayntu ku xidhnayd indho-garad iyo hadba sida hanti loo bixiyo. Ardaygii cid loo soo galagalaysto ama adduun laga bixiyo loo waayaa xabsiga ayuu ku abaadi jirey. Inta badan se lama waayi jirin in cid uun la isku maro oo loo waayo-sheegto, si ardaydaas xidhnayd loo soo daayo.

 

Sannad guuradaas 1aad ee ka soo wareegtey gadoodkii ardayeed ee Hargeysi waxa ay la timid wacdaro cusub. Muddadii sannadka ahayd wax badan baa is beddeley. Haddii sannadkii hore ardaydu isku calool fayoobaayeen sannadkan cusub caloolo bukay sitaan oo isla feedho fadhiyaan. Sannadkaas gudihiisa waxa kala haydhan ama kala lun iyo is-diidmo ku yimaaddeen hadafyadoodii ay wada lahaayeen sannad ka hor markii dhagaxtuurku bilaabmayey. Haddii dib u dhaca waxbarasheed, macallimiin la’aanta iyo duruus hungowgii jirey laga wada sheekaysan jirey sannad hortii, hadda dhabarka ayaa la isu jeediyaa oo sida beelaha qabaa’ilka ee colloobaa aanay dabka u kala qaadan, ayaanay ardayduna qalmaanta u kala qaadan! Waaba la kala siqayaa baqdin ahaan oo laba isku calool furan maahaane cidiba waxba isma waydiiso. Arday cusub oo lagu baadi sooco in ay baasaasiin u yihiin Dhabar-jebinta “ciidamadii sirdoonka”, ayaa fasallada badidooda soo tuurmey oo lagu soo gurayey. Indhaha ayaa wax la isugu sheegaa ama la isku dilaa markii la doono huruuf ahaan. Faq iyo guux dareen hoose leh oo aan dugsiyada iyo ardayda dhexdooda lagu aqoon, ayaa dhinac walba kaa salaamayey oo ka soo jaah iyo dhafoorro ballaadhnaa.

 

20-kii Febraweri 1983, waxaannu barqo dambe ka soo dhaqaaqnay dugsigii Sare ee Gacan Libaax, annaga oo foolka saarayna dhankii faras magaalaha. Socod cabbaar ah ka dib markii aannu ku soo dhowayn obocda suuqa weyn ee Hargeysa oo aannu jaadlayaashii, basaskii iyo tagaasidii oo is dhinacyo tuban soo dhex qaadnay, ayaa waxa dhexdayada ka oogsatey oo ka kacday koox arday ah oo walaandaynaysa shubaal ahaan hal-ku-dhig cusub oo ahaa: “ Dooni mayno Daarood; ha dhaco Daarood iwm!”  Dhegaha ayaa la wada taagey! In badan baa arrintaas la yaabtay, waayo fal noocaas oo kale ahi qorshaha nooguma uu jirin. Waxa nala socda arday Daaroodkan la haaraamayo ku abtirsada. Gurey oo Reer Garoowe ah iyo Shiine oo reer Yagoori ah oo aannu weliba isaga qaraabo nahay, ayaa safka nagula jira. Inammo iyo hablo kale oo qabiilkaas carrabka lagu ballaadhinayo ku abtirsadaana ayaa ardayda ka mid ahaa! Waa tan arrinta fajacisada abuuraysaa, maantana soddon sonnadood ka dib qiimaynteedu xiisaha yeelanaysaa.

 

Kooxdii hal-ku-dhigga aloosan sidatayi waxa ay maquuniyeen ardayda intoodii badnayd oo ay toodii abaabullayd afka ugu rideen. Waxa nagu soo darsamay dadkii suuqa oo iyana dabkii xaabo sii saar saaray oo oog weyn sii haloosiyey, dhawaqiina cirka ku sii shareeray. Arday badan baa ka baxday bannaan-bixii oo xitaa dawladdii cabbanayd aanay is hortaagin ilaa uu magaalada isku wada gadaamay oo madax iyo mijo la’aan badani dhacday, sida gaadiidkii oo la jejebiyey, gaar ahaan kuwii dawladda iyo kuwii lagu tuhmayey in ay dawladda la jaal yihiin. Baabuurtii iyo meheradihii aannu Daaroodka ku tuhmayney ayaannu tumaatidayadii xafiisyada dawladda ku sii maqnayd u baydhinnay oo aannu dhagaxa ku boobnay. Ciidamadii dawladuna way na daawanayeen oo caday naguma ay fiiqahayn.

 

Dir-sooc

 

Durba waxa na soo hujuuntey oo na dhego barjaysay xamxamta aragti bixinaysa in ciyaartu dhex taallo reero is-haya ama haddii si kale loo dhigo “Daarood” magaca “dawladeed”  kaga aargoosanaya “Isaaq”! Xaqiiqadii arday ahaan taasi wax raad ah quluubtayada kuma lahayn markii hore. Dhibaato Isaaq iyo Daarood dhex taallaa runtii badiba maankayaga kuma aanay jirin. Xitaa magacyadaasi maskaxdayada ma baanay soo geli jirin. Ardayduba isma aanay hayb aqoon. Dir-soocaba markaas maannu aqoon. Waxa ay ugu dhowayd marka arday waageeni ah oo cusub oo lahjad yara duwan ku hadlaya na loo keeno ee aannu ku xifaalayno gobol hebel ma ahee inuu ka yimid gobollo guud, sida bil matalan waa Reer Xamar oo nooga dhignayd waa Reer Koonfureed! Waayadaas hortood koonfur oo dhami isku qolo ayay noo ahayd. Daaroodnimada iyo Isaaqnimada waxa nagaga xoog badnayd Koonfur iyo Waqooyi.

 

Maalmahaas waxa gobolka u dillaacay waa’ cusub oo warmo wada sun iyo waabay ah jiidanaya. Waxa la faadhfaadhay digo guun ah. Godka hoose iyo dalluunta qabriga iilkiisa ayaa loo dhaadhacay oo laga soo kiciyey godob oofo ruqday iyo eelka milil dusha ka qarxaya oo ku gamaarsanaa oo “sula iyo xaaraama-cune” ka soo jeeda. Dhexdayada ayay taasi sida fulkaanaha uga dhex toostay ama ugu qaraxday sida “bam-fitneed” la soo “shirqool” maleegey! “Qudhun iyo qashaabiir” wixii xabaalaha laga soo qufay, ayaa nagu soo butaacay oo lagu sooray maan cusub oo aan “dooc iyo dareen” horeba u lahayn xumaantaas ku soo faruurantay ee dusha malabka looga marmarinayey.

 

Gurey, Shiine iyo in kale oo badaniba kama ay hadhin gadoodkii oo keliya ee waxa ay maalintaas laga bilaabo hagoogteen maryo godobaysan. Cadaawad laga maarmi lahaa, ayaa la beeray oo u buseelkeedu badiba ardaydii uu beerqaad ku laab kiciyey. Dacar iyo dhulkaal ayaannu wada leefnay. Nacayb iyo naxli xawli ku socda oo aan sabab maan-gal ah ku fadhiyin, ayaa cid walba; si gaar ah iyo si guudba; u saaqay, una gabagabeeyey oo dab iyo dhamac kulul ku oogey. Dad badan baa ruxan maanka ahi berigaas haleelay oo ku noqday arami iyo boog marba ku soo kacdooma illaa maantadaa aynu joogno ladh ku soo kiciya. Shaki iyo cuqdad in lagu xukunnaado si “madaxaa ha ku furto ah” ayaa wejiga la saaray, laabtana loo sii daayey wixii maalmahaas ka dambeeyey.

 

Haddii wax naga wada dhexeeyey oo naga maqnaa aannu raadkiisa ku wada joogney, maalintaa wixii ka dambeeyey waxaas aannu wada lahayn waxa ka soo soke maray oo hadfiyey is-diiddooyinkaas qabyaaladeed ee isa soo maqiiqay ee gaaddada na soo saaray oo qof qof iyo koox kooxba noo haleelay sidii cudur dilaa ah oo ka mid ah kuwa faafa ee la is qaadsiiyo. Waxbarashadii tayadeedu sii liicaysey in la soo kiciyo ayaa Isaaqayaga iyo Daaroodkayagaba dan u ahayd. Noloshii guud ee sii hagaasaysey in la bakhti afuufaa noo wada naruuro ahayd. Runtii ardaydu isku waayo iyo isku nolol bay ahaayeen sida qaybaha kale ee dadkuba u yaalleen. Haddii la odhan lahaa qolyaha Daarood tuumbo caano karuur iyo lisba leh baa haamo gaar ah ugu jirtey oo ay nuugayeen waxbarasho u gaar ah wax bay ahaan lahayd wax lagu sababayn karo. Hargeysaannu wada joognoo mid baannu ahayn. Carruurta madaxda dawladdu xataa noogama dhex muuqan jirin sidii Xamar laga soo sheegi jirey. Madaxda qudheedaaba Daarood iyo Isaaq is bahaysanaya oo shuraako ah ka koobnayd! Intaa maannu garane inta aannu sii kala jeesanney, ayaannu warmaha isku soofaysannay oo dabadeetona dhexdayada laga dhex faashleeyey oo laga fushadey wixii nalooga baahnaa oo ay ugu waynayd in aannan u midoobin ka hortagga iyo iska caabbinta caddaalad darradii iyo xumaantii ka soo faafaysey hay’adaha dawladda iyo mas’uuliyiintooda.

 

Digo Faadh Faadhkii

 

Silsilad maanseeddii Deelleyda ayaa cirka ku shareernayd oo sannadahaas cusbayd oo qaran iyo qabyaaladii dawladdu macasha jiidaysey u kala garqaadaysey. Silsilad maanseeddii soo-jireenka faca weyn ahayd ee Guba ee diradiraha beelaha qabaa’ilka ku saabsanayd ee ruug-caddaagii Qamaan Bulxan, Salaan Carrabey iyo Cali Dhuux ay hormuudka u ahaayeen, ayaa boodhka laga afuufay, dibna loo soo nooleeyey oo weriyayaashii ugu caansanaa ee ugu cod-karsanaa Raadyow Muqdisho laga qayb geliyey oo inta cajelado lagu soo cabbeeyey suuqa lagu soo farraqay. Waxa kale oo aad suuqa soo galay silsiladdii Hurgumo ee Khaliif Sh. Maxamuud iyo Dhirbaaxo Jaan ay maansooyinkeeda hore isku weydaarsadeen, markii dambe se rag badani ka qayb galay. Waxa laga daba keenay gabayadii kale ee Ergo Daarood oo dawladdu iyana ka dambaysey curinta iyo suuq geyntoodaba. Intaas iyo in kale oo badan oo ka daba dhacday oo illaa qudh-gooyo iyo gumaad ku siman, ayaa ka dhabeeyey in la gaadho oo haddana lagu gubto intii la doonayey oo ahayd in dadka daahyo waa weyn oo wada shaki iyo cuqdado qabali ah la dhex dhigo, si loogu dul amar-ku-taagleeyo macaash ahaan.

 

Natiijooyin

 

Jabkii maalintaas ka dhex abqaalmay ardadayadii wada muddaharaadaysey ee dugsigii Sare ee Gacan Libaax ee magaalada Hargeysa, waa kaas illaa maanta sii socda ee la soo dabbaali la’yahay ee sida cudurka dilaaga aan bogsiinta qumman lahayn ee “Kansar-ka” ugu sii faafaya xididdada iyo halbawlayaasha dhiig-wadeennada ee dadka Soomaalida meel kasta ha joogaane intooda ugu badan. Waa kaas jarjaray ee sida qurub qurubka ah u kitfay xubnihii iyo jidhkii ummadnimo; haddii ay garasho u tahay, is daawaysi u tahay, walaaltinnimo iyo midnimo u tahay, isu hiilin iyo is weheshi u tahay, ummad talo iyo hoggaan leh u tahay, qaran sharci iyo caddaalad fuliya u tahay, ummad cududdeeda midaysa oo ku cad goosata ama isku difaacda u tahay, intan iyo intaas oo kale u tahay iwm! Waa taas la kala diday ee la kala hadfey sidii adhi weere galay ee Soomaalidu kala firidhay sidii quraarad sar dheer oo toban dabaq ah dusheeda ka soo dhacday oo waddo laami ah bashkalalax ku tidhi oo budowdey.

 

 

Somaliland iyo Maanta

 

Saw taas cidi cid u ciidmi la’ ee silsiladaha qabyaaladeed iyo danaysiga kooxeed la inagu kala qoofashay’. Saw innagaas la’ wax nafuhu ku xasilaan ama u soo hiloobaan ee warmaha dayac iyo cabsiyeed dhanka kasta inagaga soo yuuban yihiin ee garashadu dhufaannimada ku sii durkayso. Saw innagaas abuuri kari weyney maamul caddaalad iyo horumar inta hoos joogta la beegsada oo ku hoggaamiya. Miyaanu surbacaadku meel kasta hadhaynayn oo la wada shuf beelin oo dhallinyaradii baaxad soorayaasha lama degaan iyo badda isku miidaaminayn, isku gurayn oo ugu le’anayn sida raabe raabaha ah markii noloshu harraatiday ee ay wax jaheeya waayeen! Saw kuwaas dhallinyaradii iyo intii waxbaratay in badan oo ka mid ahi Muqdisho iyo Farmaajo u kala tartamayaan, in badan oo weli joogta Hargeysa, Burco, Boorame, Laascaanood, Ceerigaabo iwm ay ku hammiyayaan in ay jaaha saaraan dhuyaal suudalnimo (Tahriib) ama in ay Muqdisho u diihaal dalandalaan.

 

Haddii shalay (1983) Isaaq iyo Daarood xaajadu joogtey oo taas lagu waayey wixii la wada lahaa iyo astaamihii ummadnimo (Soomaaliya), saw maantaba ma taallo tu la mid ah oo ka sii hoosaysaa oo reero iyo qabaa’il uun ku salaysan oo ummadnimada (Somaliland) sadhayn karta oo sida taas hore kala daadin karta.

 

Saw taas abdo la’aantu (rajo xumaantu) meel kasta taabanaysa ee sicir-bararka, macaluusha, gaajada, dib-u-dhaca nololeed iyo maamul xumaantu meel kasta inaga wareemayso ee qanjabararku ina naafeeyey. Saw innagaas duminnayna (duminney) hannaankii talo-wadaagnimo ee aynu ku soo caano-maalnay ee distoorkii iyo xeerarkii tuurta lagu qaadanayo ee car juuq dheh iyo dibedda u saara arrin marayo. Saw kaas golihii wakiilladeennu isu beddeley “gole hanuunin dadweyne” ee ay habruhu durbaannada ka tumayaan ee ay ka mashxaradayeen 12.02.2017, markii golayaasha sharci-dejinteenna ee wixii loo igmaday la fool-hallaabay wasiirradu ka ansaxsanayeen arrinta muhmalka iyo wada madmadow ah ee saldhigga milateri ee Berbera ee Carabta la siinayo.

 

Ayaan-darrada ugu weyn ee maanta Somaliland hortaallaa waa in wacyigii guud ee siyaasiga ahaa ee bulshadu aad u hooseeyo, hoggaamintii ummadeedna ay taxadka ka sii xigto oo meel walba indho-beel kaa soo celinayo. Waxa kale oo ayaan-darro ah in aanay muuqan hoggaamin tuubada ku soo jirta oo wax ka beddeli karta waayaha Somaliland ee kakan ee maanta iyo ayaamaha soo socda.

 

Qabyaalad indho la’ oo aan soohdin lahayn oo xafiisyadii dawladda saldhigyo ku yeelatay, boob hantiyeed oo qof qof iyo kooxaysi ku salaysan oo aan la la dhuumanayn oo lagu mamay, xoog iyo handadaad salka ku haya adeegsi awooddo dheeraad ah oo sifooyin khaldan lagu haysto, ka tallaabsi iyo gawrac lagu sadqaynayo shuruucdii iyo xeerarkii yaalley oo idil iyo waxyaalo badan oo la mid ah oo ka dhasha ku-takrifalka, ku-jawrfalka iyo ku-danaysiga qofeed ama kooxeed ee isirrada qarannimada iyo dawladnimada ee dadka u dhex ahaan lahaa, waxa soo raacaya intaas sardhada suuxdintu weheliso iyo kala qaybsanaanta bulshada oo gaadhey heerkii ugu hooseeyey inta la garanayo ee arrimo qarannimo ka hadalkoodu bilaabmeen.

 

  • “Geb hadduu dareenkii noqdoo gegi bannaan seexdo
  • Rag gedmadiyo geeryoo dhurwaa gama’a daystaa!”

 

Wacyigaas siyaasiga ah ee bulshada ee iilka iyo luxudka dul jiifa iyo hoggaaminta qaranka ee qabriga in ay gasho qarka u sii saaran, waxa ka dhashay rajao xumaanta iyo abdo la’aanta maanta qof kasta dadka intiisa badan guryaha ugu gashay ee shakiga gelinaysa jiritaanka ummadeed iyo qarameed ee Somaliland.

 

20-kii Febraury 1982 iyo 20-ka Febraury 2017, waxa aan anigu qof ahaan rajo wacnaa 20-kii Febraury 1982, waayo waxa igu lammaanaa dareen dhiiftoon oo ku astaysnaa wax-diiddo iyo wax-doonnimo dhiidhi iyo gaylan ay horseed u ahaayeen oo ka gudubsanaa kaalinta qofeed, una tallowsanaa doorka wadareed. Maanta (2017) kaalintaas wadarta ayaan ii muuqan oo dabkeedii gamaarsan yahay.

 

Waxa maalintaas hore (1982) hammiga iyo qammigu ahaa in la galo halgan aan gabbasho lahayn oo lagu beddelayo wixii khaldanaa oo maalintaas cudud iyo xoog u baahnaa. Taas baa rajada noolaynaysey oo naruuro nafta u ahayd. Taas baa keenaysey in aan la is dhiibin oo quusta iyo rajo la’aantana u beddelaysey yiddidiilo iyo rajo nool oo lagu taamo lahashada gaadhiddeeda.

 

“Wax diiddo markay jirtaa

Wax doonkuna meel mar yahay!”

 

Maanta wax baa inoo dhisan oo wadartu (Ummaddu) yagleelatay. Waa haykal iyo hay’ado dawladeed. Dhinacaas marka laga eego, waynu dhannaa 1982 kelitalisnimo ayaa la hoos joogey oo waajib gudasho kale ayaa taalley (xoog iyo cudud isu sheegad), hase yeeshee waxa jira hanti iyo dhaxal hareeraha laga joogey yagleelkoodii oo maanta waxa laga gaabiyey (ka gaabinayaa) qabyo iyo baylah-tirka hawlqabadyadii iyo mas’uuliyad gudashadii laga quuddarraynayey hawlgallada iyo horumarkii qaranka iyo bulshadu u baahnaayeen oo ciddii loo igmaday ku-takrifalayso (baraarug iyo toosin waxa khaldan ama khaldamay ku saabsan ayaa manta la tebayaa oo inoo eg, si dhitada tacabka badan la soo geliyey aanay inooga quban).

 

20-ka Febraury 2017 na, waxa rajada dhimanaysa noolayn karta in la is waydiiyo oo jawaab loo helo su’aalahan oo dood caafimaad qabta oo fagaaraysan laga furo:

  • Xaggee Somaliland u socotaa?
  • Sidee looga badbaadin karaa burburka iyo kala daadashada laga werwerayo ee jirta, dadka qaarna lama filaanka ku noqon karta ee xilliga wadnaha farta lagaga hayo?
  • Sidee wacyiga bulshada looga soo qaadi karaa gegida gabayooxa badan ee dareenkeedu seexanayo ama hurdaba?
  • Sidee hoggaaminta loola xisaabtami karaa (tan hadda iyo ta tuunbada ku soo jirtaba), loona toosin karaa oo looga soo weecin karaa waddada qardajeexa ah ee ay cagta ku hayaan (xukuumadda iyo axsaabta siyaasadda?)
  • Maxaa helay oo biyaha qabow ku shubay doorkii iyo kaalintii bulshada rayadka ah sida dalladaha ururrada bulshada ee aan dawliga ahayn, kuwa dhallinyarada, haweenka, aqoonyahanka, culimada, ganacsatada, warrfaafinta iyo wardiyeenka iwm?

 

Doodo furan oo arrimahaas caqliga iyo garaadka lagu godliyaa waxa ay noqon karaa ibo-fur laga bilaabi karo tallaabooyinkii loo qaadi lahaa dhinaca ka hortagga kala daadasho ku timaadda dhaxalka iyo dhitada gacanteenna ku jirta oo ah Somaliland iyo haykalka iyo hay’adaheeda taagta daran ee dawladnimadeeda hanaqaadi la’ ee daalaadhacaysa, kolbana looga baqayo in kooxi la fool-hallowdo sidii LIXDANKII!

 

 

 

Allaa mahad leh

Maxamed Baashe X. Xasan

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews